fredag, juli 26, 2024

Mareykanka oo 3 milyan $ dul-dhigay soomaali horey Norway ugu noolaa.

Dowladda Mareykanka ayaa saddex milyan oo dollar dul-dhigtay madaxa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay, Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo sidoo kale loo yaqaano (Cikrama).

Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $3 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay ninkan.

TV2 dalkan Norway ayaa horey u xaqiijiyay in Ikramah uu mudadii u dhaxeysay 2004 ilaa 2008 uu ku noolaa Norway, uuna sidoo kale codsaday heleyna sharciga magangalyada qoxootiga.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Cabdiqaadir Cikrama uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana soo noqday madaxa howlgallada iyo saadka ee kooxda.

“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaalaadda ayaa bixinaysa abaalmarin gaaraysa illaa $3 milyan ciddii keenta xog ku saabsan Cabdikadir Maxamed Cabdikadir.  Cabdikadir waa hogaamiye sare oo Al-Shabaab ka tirsan, waxaana uu soo noqday madaxa howlgallada iyo saadka.” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka.

Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Haddii aad hayso xog ku saabsan ninkan, noogu soo gudbi mid ka mid ah nambarada hoose ku qoran adigo isticmaalaya Signalka, Telegramka, WhatsAppka, ama khadka Tor. Waxaad ku guuleysan kartaa abaalmarin”.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in ninkan uu qorsheeyay weeraro dhowr ah, sidoo kalena uu qoray dhalinyaro Kenyaan oo ku biiray kooxda Al-Shabaab.

“Cabdiqaadir waxa uu sidoo kale agaasimay qorshe hore oo weerar oo al-Shabaab. Wuxuu isku duba ridey qorista dhalinyarada Kenyaanka ah inay Al-Shabaab ku soo biiraan oo wuxuuna abbaanduule u ahaa ciidamada Al-Shabaabka Kenyaanka ee ka dagaalama Soomaaliya” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka.

Waxaa sidoo kale Mareykanka  uu xayiraad saaray hantida ninkan, wuxuuna sidoo kale ka digay in lala macaamilo, maadaama loo aqoonsaday argagixiye caalami ah.

“Dhammaan hantida, iyo danaha hanti, ee Cabdikadir hoos timaadaa xukunka Mareykanka waa la xannibay, guud ahaan shaqsiyaadka Mareykankana waxaa laga mamnuucay inay wax fulin heshiis-ganacsi ah ay Abdikadir la sameeyaan, Taas waxaa dheer, waa dembi in si oggaal ah al-Shabaab loogu fidiyo, ama la isku dayo ama loola shaqeeyo” ayaa lagu yiri.

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacago malaayiin ah u dul dhigay xubno kamid ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay hoggaamiyaha guud ee kooxdaas, ninka lagu magacaabo Axmed Diiriye Cali oo loo yaqaan Abuu Cubeyda, kaasoo mar kale madaxiisa la dul-dhigay abaalmarin lacageed oo dhan illaa $10 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Xigasho/kilde: C.O

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x