fredag, juli 26, 2024

Lixdan(6) arrimood ka ogow natiijadda hordhaca ee doorashada goleyaasha deegaanka.

Caawa marka ay saacadu aheyd 21.00 waxaa lasoo gabagabeeyay doorashadii goleyaasha deegaanka Norway, waxaana isla caawaba lagu dhawaaqay natiijadda hordhaca ah ee doorashada. Hadaba waxaan halkan kusoo gudbineynaa lix(6) qodob oo ku saabsan natiijadda hordhaca ah ee doorashada, waxaase xusid mudan in natiijadan ay tahay mid hordhac ah, waxyaabo badana ay isbadali karaan ilaa beri inta lau jiro tirinta codadka.

  1. Natiijadda soo baxday waa hordhac, mana ahan tii kama dambeysta ah. Waxay ay tirintu socod doontaa saacaddaha iyo maalmaha soo socdo
  2. Xisbiga Høyre ayaa noqday xisbiga ugu weyn ee dalka, waxa uuna booskaas ka qaaday xisbiga shaqaalaha oo boqolkii sano ee ugu danbeeyay ahaa xisbiga ugu weyn Norway. Høyre ayaa ilaa hada codadka la tiriyay helay 25,6 %.
  3. Xisbiga shaqaalaha ayaa lumiyay codad aad u tiro badan, waxa uuna ilaa hada codadka la tiryay ay muujinayaan in xisbiga shaqaaluhu uu helay 21,7% codadka la tiriyay. Kaas oo xisbiga Ap ka dhigeysa xisbiga labaad ee ugu weyn dalka.
  4. Natiijadda garabka midig ee fog ee Frp ayaa natiijadda kasoo hoyay guul fiican, waxa uuna ilaa hada hayay xisbiga sadexaad ee ugu weyn dalka, marka la fiiryo natiijadda hordhaca ah. Frp ayaa heysta 11,5 codadka la tiriyay.
  5. Magaaladda Oslo ayaa u muuqatay in afarta sano ee soo socoto ay maamuli doonaan xisbiayda garabka Midig ee uu hogaamiyo Høyre, waxaana sida muuqato la maamuli doono Frp iyo Venstre. Ama MDG, hadba kii lagu soo baxo.
  6. Magaalooyinka Bergen iyo Stavanger waxaa ka jiro tartan adag, iyada oo natiijadda dhinaca ay u dhaceyso aysan ilaa hada cadeyn.

Wixii macluumaad ah ee kasoo kordho doorashada, dib ayaan kasoo galin doonaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x