fredag, juli 26, 2024

Hal qof oo soomaali ah toos uma galin golaha deegaanka Oslo: Codadkan ayay heleen.

Waxaa maanta soo baxay codadka ay heleen musharaxiintii u tartamayay kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo, waxaana soo baxay 59 xildhibaan oo kamid noqon doono golaha deegaanka Oslo.

Xisbiga Høyre ayaa helay kuraasta ugu badan ee golaha deegaanka, waxa uuna helay 20 boos oo kamid ah 59-ka kursi ee golaha deegaanka. Waxaana kusoo xiga xisbiga shaqaalaha(Ap) oo helay 11 kursi, halka xisbiyada MDG, SV iyo Venstre ay heleen 6 kursi midkiiba, iyada oo xisbiga Frp uu helay 4 kursi, Krf-na hal(1) Kursi.

Musharaxiintii soomaalida ahaa oo midna uusan kasoo bixin:

Magaaladda Oslo waxaa sanadkan ka sharaxnaa 8 musharax oo soomaali ah, kuwaas oo ka kala socday xisbiyada kala duwan ee u tartamayay inay boosas ka helaan golaha deegaanka Oslo. Sida ku cad liiska soo baxay ee 59-ka xildhibaan ee kusoo baxay golaha deegaanka Oslo, qofna kama soo bixin musharaxiintii soomaalida ahaa, inkasta oo isku dar ay heleen codad ku dhow 6000 cod oo shaqsi ah.

Marka la isku daro codadka shaqsiga ah( Personstemmer) ee ay heleen sideeda(8) musharax ee asal ahaan soomaalida ahaa ee u tartamayay kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo, waxa ay gaarayaan ilaa 6089 cod. Waxa ayna u kala heleen sidan, anaga oo u kala hormarinay sida ay u kala codad bateen:

  1. Fawzi Warsame( Xisbiga Ap, shaqaalaha): 1200 cod oo shaqsi ah, waxa uu ku jiraa booska 15.aad ee xisbiga shaqaalaha.
  2. Said Amiin( Xisbiga Shaqaalaha, Ap): 1058 qof oo shaqsi ah, waxa uu ku jiraa booska 18.aad ee xisbiga Shaqaalaha.
  3. Anfa Hashi ( Xisbiga Høyre): 1054 cod oo shaqsi ah. Waxa ay ku jirtaa boosaska 24.aad ee xisbiga Høyre( Jaanis fiican ayay u leedahay in ay qaab boos-celiye(vara) ahaan kusoo gasho golaha deegaanka Oslo, marka la qeybiyo xubnaha maamulka magaaladda, maadaama xisbiga Høyre uu yahay xisbiga maamulka hogaaminta golaha deegaanka iska leh).
  4. Sareedo Adam R. Ali ( Xisbiga Rødt), 895 cod oo shaqsi ah. Waxa ay kujirtaa booska 6.aad ee xisbiga Rødt.
  5. Fawsi Ismail Adam ( Xisbiga shaqaalaha, Ap), 786 cod oo shaqsi ah, waxa uu ku jiraa booska 20.aad ee xisbiga shaqaalaha.
  6. Ismail Ali Hussein( Xisbiga Venstre): Waxa uu helay 754 cod, Booska 7.aad ee xisbiga Venstre ( Waxa uu ku jiraa booska koowaad ee boos-celinta xisbiga Venstre( 1. Vara) , waxa uuna jaanis aad u weyn u leeyahay inuu soo galo golaha deegaanka, marka la qeybsado kuraasta maamulka magaaladda ( Byrådet), xisbigiisa ayay u badantahay inuu helo ilaa 2 boos oo kamid ah golaha maamulka magaaladda, waxa uuna ismaaciil noqon karaa qofka koowaad ee booska golaha deegaanka laga baneeyay buuxiya).
  7. Asma Said Ali ( Xisbiga SV) 476 qof oo shaqsi ah. Booska 19.aad ee xisbiga SV.
  8. Jamaal Shiekh( Xisbiga cusub, sanadkana tartanku ugu horeeyay ee PS): 328 cod oo shaqsi ah.

Ma ahan sanadkii ugu horeeyay ee soomaalida Oslo oo tartan aad ah u galay kamid noqoshada golaha deegaanka, ay ku guuldareystaan kamid noqoshada golaha. Sidoo kale doorashadii hore ee dhacday 2019, afartii musharax ee soomaalida ahaa ee tartamayay ayaan ku guuleysan inay soo galaan golaha deegaanka Oslo, balse waxa ay markii danbe kusoo galeen qaab boos celis ah afardooduba.

Xigasho/kilde: Valgprotokol( Halkan ka fiiri numberadda ay kala heleen soomaalida tartameysay, iyo musharaxiinta kale).

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x