fredag, juli 26, 2024

Fredrikstad: 4 xildhibaan oo soomaali ah oo si toos ah usoo galay golaha deegaanka.

Magaaladii Fredrikstad oo ah mid kamid ah magaalooyinka ay ku noolyihiin jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ugu badan Norway, ayaa mar kale dhigtay rekord(taariikh cusub) oo u gooni ah, kadib markii doorashadii dhawaan dhacday ay golaha deegaanka magaaladaas ay kamid noqdeen 4 xildhibaan oo soomaali ah oo ka wada tirsan hal xisbi.

Sida lagu xaqiijiyay liiska xubnaha cusub ee afarta(4) sano ee soo socdo kamid noqon doono golaha deegaanka degmadda Fredrikstad( Hoos ka fiiri), waxaa doorashadii golaha deegaanka ee dhacday isbuucan bilowgiisii kusoo baxay afarta xildhibaan ee soomaalida ah ee kala ah:

  1. Hashim Mohodin Abdi(Ap).
  2. Mohamed Amaleti Abdi (Ap)
  3. Mohamed Saleban Warsame (Ap)
  4. Filsan Mohamed Saleban Warsame ( Ap).

Xisbiga shaqaalaha ee ay ka tirsanyihiin afartan xubnood ee soomaalida ee doorashada kusoo baxay ayaa golaha deegaanka Fredriksdad ku leh 13 xubnood oo afar kamid ah ay soomaali yihiin. Arrintaas ayaa ka dhigan in 31% xubnaha Ap ee golaha deegaanka Fredrikstad ay yihiin Soomaali.

Marka laga tago afartan xildhibaan, waxaa isaga boos-celiye kusoo baxay Said Mohamed Ismail oo u tartamayay xisbiga Rødt, waxa uuna jaanis u yeelan karaa in sanadaha soo socdo uu kamid noqdo golaha deegaanka Fredrikstad.

Halkan ka fiiri: Her er de nye representantene i Fredrikstad bystyre.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x