søndag, mai 19, 2024

Doorashada golaha deegaanka Norway oo saaka si rasmi ah loogu dareeray

Waxaa maanta oo isniin ah si rasmi ah loogu dareeray doorashada goleyaasha deegaanka iyo goboladda Norway, waxaana dhamaan magaalooyinka Norway saaka lagu dooranayaa goleyaashii deegaanka ee xukumi lahaa afarta sano ee soo socoto.

4,3 milyan oo kamid ah dadweynaha Norway ayaa xaq u leh inay codeeyaan, waxaana wali aan codkooda dhiiban 70% sida lagu sheegay tirokoob shaley lasoo saaray.

Gudiga madaxa banaan ee doorashada Norway ayaa sheegay in saaka ay furanyihiin 1879 goobood oo codbixinta laga dhiiban karo, waxaana goobaha ugu danbeeyo la xiri doonaa 21.00 ee caawa.

Musharaxiin kor u dhaafayo 50.000 musharax ayaa saaka tartankii ugu danbeeyo ugu jiro kamid noqoshada goleyaasha deegaanka degmooyinka Norway xukumi doono afarta sano ee soo soco. Waxaa sidaas oo kale jiro ilaa 7000 musharax oo u tartamaya kamid noqoshada goleyaasha gobolada Norway.

Magaaladda Oslo waxaa intaas usii dheer ilaa 2000 musharax oo tartan ugu jiro kamid noqoshada maamuladda xaafadda ee magaaladda Oslo.

Waxaa xusuusin mudan in maanta aad ka codeyn karto degmadda aad ka diiwaan-gashantahay ama degantahay. Wixii ka horeeyay maanta waxaad ka codeyn kartay meel walba oo Norway, balse maanta waxaa ka codeyn kartaa degmada aad degantahay oo aad ka diiwaansgahantahay ugu danbeyn 30-kii bishii Juun ee sanadkan.

Waxaa xusid mudan inaad u baahantahay oo kali ah inaad sadexdii sano ee ugu danbeeyay aad sifo sharci ah ku degeneyd Norway, si aad doorashada uga codeyso. Halkan ka akhri cida akhrin karo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x