søndag, mai 19, 2024

codeyntii hordhaca ah oo maanta gaba-gabowday: Isniinta waa maalinta doorashada.

Waxaa maanta oo jimce ah lasoo gaba-gabeeyay codeyntii hordhaca aheyd ee goleyaasha deegaanka, taas oo soo bilaabatay tobanka(10) bishii August ee lasoo dhaafay. codeynta hordhaca ah ayaa aheyd fursad uu qofku codkiisa usii dhiiban karo, kahor inta aan la gaarin maalinta doorashada.

Waxaa hada la qaadan doonaa labo maalin oo diyaar garow ah, iyada oo la isku diyaarinayo maalinta doorashada rasmiga ah ee 11-ka September, taas oo ah isniinta soo socoto.

Waxaa xusid mudan arrimahan arrimahan:

  1. Maalinta doorashada waxa aad ka codeyn kartaa oo kali ah, degmadda aad degantahay ama aad ka diiwaan-gashaneyd kahor 30-kii bisha Juun ee sanadkan.
  2. Degmadaas dhexdeeda, waxaad ka codeyn kartaa goobta doorashada ee kuu dhow, ama aad gaari karto.
  3. Hadii aad rabto inaad codka siiso qof u tartamayo kamid noqoshada maamulka deegaanka, waxaad ka codeyn kartaa goobaha doorashada ee ka dhisan xaafadda(Bydelka) uu qofkaas ka sharaxanyahay.
  4. Kaarka doorashada ee laguu soo diray, waxaa ku qoran goobta doorasho ee kuugu dhow, waxaana la socdo xiliyada ay goobtaas furantahay, iyo adresska goobtaas doorasho.
  5. Uma baahnid inaad soo qaadato kaarka doorashada, si aad codkaada u dhiibato, kaliya waxaad u baahantahay inaad soo qaadato kaar aqoonsi ah. Kaarka aqoonsigu waa inuu noqdaa baasaboor, leysinka baabuurka ama kaar bangi oo sawirkaada uu la socdo.

Wixii macluumaad ah ee ku saabsan arrimaha doorashada kala xiriir: mamulka doorashada ee degmadda aad ku nooshahay.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x