lørdag, september 7, 2024

Booliska oo baadi-goobayo aabaha gabadhii shaley lala dilay hooyadeed.

Booliska dalkan Norway ayaa maanta faafiyay sawirka Alwan Ahmed Alawneh oo ah aabaha gabar sideed(8) sano jir ah oo shaley meydkeeda laga helay guri kuyaal magaaladda Kristiansand. Waxaana sidoo kale isla gurigaas laga helay meydka hooyada dhashay oo lala dilay gabadheeda sideed jirka ah,

Booliska ayaa Alwan oo 46 sano jir ah ku eedeeyay dilka gabadhiisa iyo hooyadeed, waxaana ay boolisku sheegeen in ninkan uu ka baxsaday Norway. Baadigoobna loogu jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa, iyada oo lala kaashanayo hey adda booliska caalamka ee interpol.

Ninka dilka ku eedeysan ayaa ah Falastiini heysta dhalashadiisa. Waxaana ay boolisku sheegeen in ilaa hada uu isagu yahay tuhmanaha koowaad ee lagu eedeynayo falkan dilka ah ee loo geystay gabadha yar iyo hooyadeed.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay in ay wali wadaan baarinaadda farsamo iyo xog uruurineed ee kiiskan, ayna wixii warbixin dheeraad ah dib kasoo sheegin doonaan.

Xigasho/kilde: 46-åring etterlyst etter dobbeltdrap i Kristiansand.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x