lørdag, september 7, 2024

Booliska: Meydka gabar iyo hooyadeed ayaa laga helay Kristiansand.

Sida ay boolisku xaqiijiyeen waxaa guri kuyaal xaafadda Vågsbygd ee magaaladda Kristiansand ee dalkan Norway maanta duhurkii laga helay meydka 2 qof, waxaana booliska arrintan kusoo wargaliyay qof soo booqonayay guriga laga helay meydka.

Abaare kowdii(1) duhurnimo ayay boolisku sheegeen inay heleen fariin la xiriirto dhacdaddan, waxa ayna markii ay guriga galeen ugu tageen meydka labadda qof oo isla goobtaba lagu xaqiijiyay inay geeriyoodeen.

Shir jaraa´id oo ay boolisku qabteen galabta ayay ku sheegeen in baaritaanadda hordhaca ay ay sheegayeen in meydka labadda qof ee la helay ay yihiin gabar yar oo sideed sano jir ah iyo hooyadeed. Dhanka kale boolisku waxa ay sheegeen in wali aysan cadeyn aqoonsiyada labadda qof ee geeriyooday, ayna wadaan baaritaanadda goobta iyo xaqiijinta aqoonsiyada meydka ay guriga ugu tageen,

Waxeyna boolisku sheegeen in kiiskan ay u baarayaan sidii kiis dil ah oo kale ah, inkasta oo aysan wali cidna usoo qaban falkan ama aysan sheegin cid ay tuhmayaan inay ka danbeeyeen.

Xigasho/kilde: To personer funnet døde i Kristiansand – etterforsker dobbeltdrap.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x