søndag, september 15, 2024

Bergen: Kooxo Ereteriyaan ah oo isku gacan-qaaday magaaladda Bergen.

Sabtidii waxaa bartamahaa magaaladda Bergen ka dhacay isku dhacyo waaweyn oo sababay inay istaagaan isku socodka gaadiidka dadweyne ee ka dhex shaqeeyo gudaha magaaladda Bergen. Isku dhacyadan oo isku badalay gacan ka hadal rabshado wata, ayaa waxa uu dhexmaray kooxo kala duwan oo Ereteriyaan ah oo isku maandhaafsan siyaasadda dalka Ereteriya.

Kooxahana kala duwan ee isku dhacu uu dhexmaray ayaa kala ah: Koox taageersan nidaamka madaxweynaha mudadda dheer heystay xukunka Ereteriya ee Isaias Afewerki, iyo kooxo mucaarad ku ah. Waxa ayna rabsho noocan oo kale ah horey uga dhaceen dhowr dal oo Yurub ah.

Kooxda banaanbaxa soo abaabushay ee mucaaradka ah ayaa isku dayay inay baajiyaan kulan ay qabsan rabeen kooxda taageersan madaxweynaha dalkaas, kaas oo xus loogu sameynayay maalintii uu soo bilowday halganka lagu xoreeyay dalka Ereteriya oo markiisii hore qeyb ka ahaa dowlada Ethiopia. Kulan ayaa ugu danbeyn u dhacay sidii loo qorsheeyay, inkasta oo kooxda mucaaradka ah ay dadaal xoogan u gashay in la baajiyo, waxaana ilaalo xoogan ka hayay booliska.

Booliska magaaladda Bergen ayaa shaley si xoogan uga qeybqaatay kahortaga inay rabshadahan ku fidaan magaaladda, ayna geystaan khasaaro maaliyadeed ama nafeed. Waxaana la cadeeyay in hey adda sirdoonka dalkan Norway ee PST-du, ay booliska gacan ku siisay daminta iyo ka hortaga gacan dibax-baxa gacan ka hadalka isku badalay ee shaley ka dhacay Bergen.

Booliska Bergen ayaa dacwad kusoo oogay dhowr qof oo qaarkood lagu eedeeyay inay geysteen gacan-qaad, halka kuwo kalena ay dhagax ku tuureen booliska.

Reysulwasaaraha Norway oo ka hadlay arintan, ayaa ku tilmaamay in wax aan loo dulqaadan karin ay tahay in dhacdo noocan oo kale ah, ay ka dhacdo gudaha Norway.

Xigasho/kilde: Siste nytt om opptøyene i Bergen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x