lørdag, juli 27, 2024

Ardey ajnabi ah oo loo qabtay jaajuusnimo.

Hey adda sirdoonka iyo nabad-sugidda dalkan Norway ee PST-da ayaa qabtay, xabsigana dhigtay ardey ajnabi ah, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku howlanaa howlo jaajuusnimo, raadiyeyna xogta dowliga ah ee Norway. PST-da ayaa ninkan xabsiga dhigay jimcihii lasoo dhaafay.

Ninkan oo 25 sano jir ayaa ku eedeysay inuu watay qalab lagu dhageysto xogta la isugu gudbiyo mobilada, telefonada, raadiyeyaasha gacanta iyo fariimaha mobilka(SMS). Sirdoonka Norway ma aysan sheegin hey adda ama dalka uu ninkan u jaajuusayay, balse waxey sheegeen inuusan kali ku aheyn howshan oo lagu weheliyay.

Baabuur uu ninkan kireystay ayaa waxaa kaamirooyinka jidadku sawireen isaga oo marayo agagaarka xarunta dowlada, guriga reysulwasaaraha iyo wasaaradda difaaca Norway.

Waxyaaba lagu qabtay ninkan ayaa waxaa kamid qalab kala duwan oo electronic ah, sida USB iyo qalab kale oo computerka loo adeegsado.

Maxkamadda Oslo ayaa ogolaatay in ninkan xabsiga lagu hayo mudo afar bilood ah, waxaana laga cabsaday in dalka uu ka baxsado hadii xabsiga laga sii daayo.

PST-du ma sheegin dalka uu ninkan u dhashay iyo aqoonsigiisa midna. Dhankiisa ma uusan qiran wax danbi ah oo lagu soo oogay.

Xigasho/kilde: Utenlandsk student siktet for spionasje i Norg.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x