onsdag, januar 8, 2025

Sweden iyo Denmark oo ka fiirsinayo «mamnuucista» gubista quraanka.

Reysulwasaaraha dalka Sweden Ulf Kristersson iyo dhigiisa dalka Denmark Mette Frederiksen ayaa maalmihii ugu danbeeyay yeeshay xiriir dhowr ah oo ay uga tashanayaan sidii talaabooyin sharciyeed looga qaadi lahaa gubitaanka quraanka kariimka ah iyo kitaabadda kale ee diimeed.

Warkan ayaa yimid kadib markii wasiiradda arrimaha dibadda ee ururka ay ku mideysanyihiin dalalka islaamka ah ay fariin cad u direen dowladdaha Denmark iyo Sweden, ayna ku wargaliyeen inay mamnuucaan gubitaanka kitaabka quduuska ah ee quraanka, hadii kale ay dowladahaas qaadi doonaan talaabo ku haboon.

Reysulwasaaraha Sweden ayaa bartiisa Instgram kusoo qoray sidan:

– Waxaan xiligan ku suganahay xaaladii amni ee ugu halis badneyd tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka, waxaana ognahay inay jiraan dowlad, dowlado-u-ekeyaal iyo dad raba inay ka faa´iideystaan arrintan.

Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa dowlada Sweden iyo Denmark ka dalbaday inay qaadaan talaabo looga hortago gubitaanka quraanka. Waxa uuna sheegay in marnaba aan la aqbali karin in iyada oo lagu gabanayo xoriyada hadalka, aan la gubi karin kitaabka quraanka.

Labadda dowladood ee Denmark iyo Sweden ayaa hada ka tashanayo talaabooyinka macquulka ah ee la qaadi karo, si wax looga badalo xeerarka dalalkaas, loona baaro qaab looga hortagi karo gubitaanka kitaabka quraanka ah.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x