søndag, november 24, 2024

Reer Oslo oo mudo bil ah loo raqiisiyay tigidka bilaha ah ee busska (499 kr)

Tigidka qofka weyn ee bilaha ee gaadiidka dadweynaha ee magaaladda Oslo, ayaa waxaa caadi ahaan qiimihiisu yahay 853 kr. Laakiin bisha soo socoto ayaa lagu sameeyay qiimi-dhimis gaareyso 40%, waxaana laga dhigay 499 kr.

Qiimo-dhimistan oo socon doonto mudo bil ah, ayaa ka bilaaban doonto maalinta beri ah ee 16-ka bisha August, waxa ayna ku egyahay 15-ka bisha September.

Tigiskan ayuu qofku ku adeegsan karaa gaadidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaaladda, sida bussaska, tareemadda dhulka hoostiisa mara, doomaha iyo tareen-yaraha( Trikk).

Waa wax wanaagsan in dad badana ay nolol-maalmeedka dib u bilaabaan fasaxa xagaaga kadib, ayna ku safraan gaadiidka dadweynaha ee la raqiisiyay ayuu sheegay Reymond Johansen oo ah gudoomiyaha maamulka Oslo.

Xigasho/kilde: Kutter prisen på månedskort – igjen. Men bare i en kort periode

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x