tirsdag, oktober 22, 2024

Raymond: Reer Oslo beri guriga haka shaqeeyeen, hadii ay awoodaan

Gudoomiyaha maamulka Oslo Raymond Johansen ayaa dadweynaha kunool magaaladda Oslo ugu baaqay inay guryaha ku shaqeeyaan, hadii ay awoodaan.

Gudoomiyaha magaaladda ayaa sheegay inay jirto hubinti la aan ku aadan xaaladda magaaladda Oslo ee berito, maadaama la saadaaliyay in magaaladda uu ka di’i doono roob ma hiigaan ah oo wata dabeylo xoogan.

Booliska ayaa dadweynaha ugu baaqaya inay gurigooda joogaan, kana baaqsadaan safaradda laga maarmi karo ee aan daruuriga aheyn.

Hey addaha saadaawa hawada ayaa saadaaliyay in beri la fili karo in dabeylaha ay saameyn ku yeeshaan isku socodka dadka iyo gaadiidk ee magaaladda, sidoo kalena ay xirmi karaan wadooyinka qaarkood.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x