tirsdag, oktober 22, 2024

Putin miyuu dilay ninkii isku dayay inuu inqilaabo: Shaki badan o ku gadaaman geerida Yevgeny Prigozhin

Hoggaamiyaha kooxda Wagner ee Ruushka, Yevgeny Prigozhin ayaa ku jiray liiska rakaab saarnaa diyaarad gaar loo leeyahay oo caawa ku dhacay waqooyiga magaalada Moscow.

Mas’uuliyiinra Ruushka ayaa sheegay in cidna aysan ka bad-baadin “shilkan”.

Weli lama si rasmi ah looma xaqiijin in Prigozhin uu saarnaa diyaaradda, hase yeeshee bogag ay leeyihiin taageerayaasha Wagner ee Telegram-ka ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday.

Waxay ku eedeeyeen dowladda Ruushka inay diyaaradda kusoo ridday gantaal.

“Waxaa la billaabay baaritaan lagu sameynayo diyaaradda Embraer ee caawa ku dhacday gobolka Tver. Sida ku cad liiska rakaabka, waxaa ka mid ah Yevgeny Prigozhin,” waxaa sidaas tiri hay’adda socdaalka Ruushka ee Rosaviatsia, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.

Wasaaradda xaaladaha deg degga ah ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in diyaaradda gaarka loo leeyahay ee Embraer Legacy ee ka safartay Moscow kuna socotay St. Petersburg markii ay ku dhacday xaafadda Kuzhenkino ee u dhow gobolka Tver.

Waxay sheegtay in 10 qof ay saarnaayeen diyaaradda, oo ay ku jiraan saddex shaqaalaha diyaaradda ah. Sida ay sheegeyso xog horudhac ah, dhammaan dadkii diyaaradda saarnaa waa ay geeriyoodeen.

Prigozhin, oo 62 jir ah, ayaa horkacay kacdoon ka dhan ah hoggaanka sare ee Ruushka 23-24-kii June, kaasi oo madaxweyne Vladimir Putin uu sheegay inuu Ruushka qarka u saaray dagaal sokeeye.

Kacdoonkaas ayaa waxaa lagu dhameeyey heshiis Kremlin-ka ku ogolaaday in Prigozhin uu dego dalka deriska ah ee Belarus. Hase yeeshee wuxuu u muquday inuu si xor ah ugu dhaq-dhaqaayey gudaha Ruushka.

Prigozhin oo doonayey inuu rido wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu iyo madaxa ciidamada Valery Gerasimov ayaa Isniintii baahiyey muuqaal uu ku sheegayo in lagu duubay Afrika.

Xigasho: S.A

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x