lørdag, november 23, 2024

Oslo: Labo qof oo xaley mindi lagu dhaawacay xaafadda Grønland

Xaley fiidkii waxaa xaafadda Grønland ee magaaladda Oslo ka dhacay labo fal oo mindi lagu galiyay labo qof oo kala duwan. Waxaana ay labadda falba ka dhaceen goobo isku muuqdo oo katirsan suuqa Grønland, iyada oo ay u dhaxeeyeen qadar lix(6) daqiiqo ah. Booliska ayaana aaminsan inuu xiriir ka dhaxeeyo labadda fal-danbiyeed ee xalay dhacay.

Falka koowaad ee mindadda qofka lagu dhaawacay ayaa ka dhacay meel u dhow buundadda Grønland, abaare 10:22 pm, halka falka labaadna uu suuq-yaraha Grønland( Grønland Torg) ka dhacay 10:28 PM.

Labadda qof ee la dhaawacay ayaa la dhigay isbitaalka, sida ay boolisku sheegeen. Midkood ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud, halka kan kalena uu soo gaaray dhaawac daran, laakiin aan halis xoogan aheyn.

Falalkan xalay ka dhacay Grønland ayaa qeyb ka ah falal amni daro oo bilihii ugu danbeeyay ka dhacayay xaafadda Grønland iyo guud ahaan magaaladda Oslo.

Xigasho/kilde: To menn knivstukket på Grønland i Oslo

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x