søndag, november 24, 2024

Lyngdal: Wiil Siiriyaan ah iyo aabihii oo u wada dhintay hafasho/Quusasho.

Maalintii isniinta aheyd waxaa degmadda Lyngdal ku geeriyooday aabe Siiriyaan ah oo 42 sano jir ah, xili uu isku dayay inuu badbaadiyo wiilkiisa shan(5) sano jirka ah oo biyo ku quustay goob lagu dabaasho. Wiilka oo markaas dhaawac halis ah uu soo gaaray ayaa la keenay isbitaalka Bergen, halka oo u ku geeriyooday shaley, sida ay xaqiijiyeen madaxda degmadda uu shilkan naxdinta leh ka dhacay ee Lyngdal.

Aabaha ayaa la xaqiijiyay inuu ku booday biyaha, kadib markii uu arkay wiilkiisa oo quusay, wuxuuna isku dayay inuu badbaadiyo. Balse waxey taasi noqotay sababta geeridiisa, halka wiilkiisiina laga soo saaray biyaha, loona qaaday isbitaalka oo ku geeriyooday shaley.

Madaxda degmadda uu shilkan ka dhacay ee lyngdal ayaa sheegay in dhamaan dadka degmadda kunool ay ka xunyihiin shilka dhacay, ayna degmadda ku jirto murugo xoogan.

Xigasho/kilde: Gutt (5) døde i badeulykke: – Hele Lyngdal er i sorg.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x