tirsdag, oktober 22, 2024

Dowlada Denmark oo rabta mamnuucista gubitaanka kitaabka quraanka

Dowlada dalka Denmark ayaa ka fakareyso in isbadal lagu sameeyo dastuurka dalkaas, si loo mamnuuco gubitaanka kitaabta diiniga ah, sida quraanka kariimka, kitaabka tawraadka iyo kutubta kale ee diiniga ah.

Dastuurka dalka Denmark ayaa waxaa kamid ah qodob qeexan oo mamnuucayo in la gubo calamadda dalalka kale, balse dowlada ayaa rabta in qodobkaas la balaariyo, laguna daro mamnuucista kutubta diiniga ah.

Peter Hummelgaard oo wasiirka cadaaladda dalka Denmark ayaa sheegay in gubitaanka quraanku uu yahay wax ijaafo ah oo aan wax micno ah sameynin. Sidoo kale wuxuu sheegay in gubitaanka quraanku uu halis galinayo Denmark iyo danaha ay dowlada dalkaas ka leedahay aduunka, sidoo kale uu khatar amni galinayo badqabka dadka u dhashay Denmark ee ku sugan caalamka.

Dalalka Sweden iyo Denmark waxaa isbuucyadii ugu danbeeyay ka jirtay cabsi amni oo la xiriirta weeraro argagaxiso oo ka dhici karo dalkaas, maadaama kooxda Al-Qaacida ay soo saartay fatwo qaraxyo argagaxiso looga geysto dalalkaas, maadaama lagu gubay kitaabka quraanka kariimka ah.

Xigasho/kilde: Vil forby koranbrenning i Danmark.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x