lørdag, november 23, 2024

Ardey labo(2) macalin mindi ku dhaawacay jaamacadda Oslo.

Sida ay xaqiijiyeen booliska Oslo, ardey jaamacadeed oo labaatameeyo(20+) jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad isku dil ah, kadib markii uu mindi ku dhaawacay labo macalin oo wax ka dhiga jaamacadda Oslo. Falkan ayaana ka dhacay gudaha mid kamid ah qolalka jaamacadda Oslo.

Labadda macalin ee la dhaawacay ayaa mid kamid ah waxaa soo gaaray dhaawac xoogan, halka kan kalena uu dhaawac fudud soo gaaray sida ay boolisku xaqiijiyeen.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wargal ah oo warbixin siiyay NRK, ardeyga jaamacadeed ee falalka dhaawacyada ah geystay ayaa dhawaan ku dhacay imtixaanka jaamacadda. Waxaana la xaqiijiyay in ardeyga eedeysanaha ah uu kulan dhex-maray labadda macalin ee uu dhaawacay, kahor inta uusan mindida galin.

Ardeygan ayaa hada ku eedeysan isku dey dil iyo inuu geystay dhaawac jir ah.

Sida uu xaqiijiyay maamulaha jaamacadda Oslo, falkan ayaa noqonayo kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhacay ee ka dhacay gudaha jaamacadda. Waxaana hada dib u eegis lagu sameyn doonaan nidaamka ilaalinta amniga jaamacadda .

Xigasho/kilde: Mann siktet for drapsforsøk etter knivstikking på universitet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x