12 qof ayaa ku dhaawacmay shil buss-aska gaadiidka dadweynaha ah oo xaley ka dhacay xaafadda ay soomaalidu ku badanyahay Oslo ee Tøyen. Shilkan ayaana dhacay kadib markii uu buss-ku ka baxay wadadda uu ku dhacay iskuulka Vahl Skole ee xaafadda Tøyen.
2 qof oo kamid 12-ka dhaawacmay ayay boolisku sheegeen in dhaawacoodu uu yahay mid daran. Si gaar ah waxaa looga deyrinayaa xaaladda qof kamid ah dadka dhaawacmay.
Booliska ayaa dacwad kusoo rogay wadaha waday baabuurkan buss-ka ah ee shilka galay, iyaga oo ku eedeeyay inuu jabiyay xeerarka bad-qabka wado-marista gaadiidka:
NorSom TV ayaa dhacdadan ka wareysatay wariye Abdifitaax Maxamed Aadan Midnimo oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee kusoo baxa goobta uu shilka ka dhacay, gargaarna u fidiya dadka dhaawacmay.