tirsdag, mars 19, 2024

Xisbiga Høyre oo markii ugu horeysay qof soomaali ah u sharaxay golaha deegaanka Oslo.

Waxaa shaley soo baxay liiska musharaxiinta golaha deegaanka magaaladda Oslo uga sharaxay xisbiga Høyre, doorashada golayaasha deegaanka ee sanadka 2023. Waxaana liiskaas kasoo dhex muuqday Anfac Xaashi Goodir oo noqon doonto soomaaligii ugu horeeyay ee Høyre ay usoo sharaxaan Oslo.

Liiska kama dambeysta ah oo ka kooban 65 qof ayaa waxaa ka dhex muuqdo siyaasiyiin waaweyn oo xisbiga Høyre katirsan, sida duqii hore ee Oslo Fabian Stang, musharaxa ay Høyre u wataan gudoomiyaha maamulka Oslo( Byrådsleder), Eirik L. Solberg iyo siyaasiyiin kale.

Anfac oo ah qof ka dhex muuqato howlaha iyo arrimaha bulshada jaaliyadda soomaaliyeed ee Norway, ayaa hada katirsan golaha demadda Bærum ee duleedka Oslo. Waxeyna liiska musharaxiinta golaha deegaanka Oslo ee xisbiga Høyre kaga jirta booska 24.aad(Halkan ka fiiri liiska musharaxiinta oo dhan). Waxeyna noqoneysaa markii ugu horeysay ee xisbiga Høyre ee magaaladda Oslo ee caasimadda ah uu siyaasi soomaali usoo sharaxo kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x