mandag, mars 18, 2024

Imisa ayuu ahaa mushaarka reysulwasaaraha Norway ee sanadkii hore.

Waxaa hada lasoo bandhigay dakhliga qof walba oo Norway kunool oo canshuur bixiye ah soo galay sanadkii hore, waana macluumaad qof walbe uu heli karo oo public ah.

Reysulwasaaraha Norway Jonas Gahr Støre ayaa kamid ah dadka hantidooda iyo dakhliga dhaqaale ee sanadkii hore soo galay si furan loo arki karo. Waxaana mushaarka reysulwasaaraha sanadkii hore soo galay uu gaarayaa 1,6 milyan kr oo lacagta Norway ah. Lacagtaas oo u dhiganta qiyaastii 150-160 kun oo dollar.

Reysulwasaaraha oo caadi ahaan kasoo jeedo qoys hantiiley ah, lacag badana dhexlay ayaa hantida u diiwaangashan waxaa sanadkii hore lagu diiwaangaliyay inay tahay 45 milyan kr.

Caadi ahaan qofka reysulwasaaraha ka ah Norway ayaa qaata 1,9 milyan, laakiin maadaama Jonas uu xilka la wareegay dhamaadka sanadkii hore mushaarkiisii ayaa ka yar intii uu hal sano reysulwasaare ku qaadan lahaa.

Xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa midkiiba mushaar ahaan u qaata hal milyan oo kr sanadkii, halka gudoomiyaha baarlamaanku uu mushaarkiisu sanadkii yahay 1,9 milyan.

Wasiirka ugu taajirsan xukuumadda Støre ayaa ah wasiirka ganacsiga, Jan Christian Vestre, kaas oo sanadkii hore mushaar ahaan u qaatay 6,5 milyan. Wasiirka ayaa kasoo jeedo qoys caan ah oo tujaar ah, wuxuuna sanadkii hore maamule ka ahaa shirkad ay qoyskiisu leeyihiin oo agabka guryaha ka shaqeyso.

Xigasho/kilde: Vestre tjente mer enn sjefen – Støres formue minker.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x