mandag, mars 18, 2024

FHI: Hadii aad calaamaddaha hargabka isku aragto, talaabooyinkan raac.

Hey’ adda caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI ayaa warbixinteeda isbuuclaha aheyd ee isbuucan ku sheegtay inay korortay tirada dadka la diiwaangaliyay ee uu corona ku dhacay isbuucyadan.

Hey’ addaha ayaa sidoo kale sheegtay inay wada korortay tirada dadka uu ku dhacay feyruska corona iyo tirada dadka uu ku dhacay hargabka ama dureyga. Waxeyna hey’ adda dadka isku arka calaamaddaha xanuunadda hawo-mareenadda oo ah calaamado ay wadaagaan hargabka iyo feyruska corona kula talisay inay gurigooda joogaan, aysana shaqada ama iskuulka soo aadin.

 Preben Aavitsland oo ah madaxa xiriirka ee hey’ adda FHI ayaa sheegay in hey’ addu ay mar kale dadka xusuusineyso qaadashada talaalka corona, gaar ahaan guruubyada dadka ee u nugul xanuunka ka dhasha feyruska covid-19.

Hey’ addaha ayaa talaabooyinka ugu baaqeyso inay sameeyaan dadweynaha:

  • Hadi aad isku aragto calaamaddaha hargabka, gurigaaga joogo, shaqada iyo iskuulkana ha aadin.
  • Ka fagow inaad ku qufacdo, ku hindhisto ama qufacaagu uu gaaro dadka kale.
  • Hadii aad qufaceyso ama hindhiseyso adeegso waraaqaha loogu talagalay, kadib gacmaha si fiican isaga dhaq ama adeegso daawadda gacmo-dhaqa.
  • Marada afka adeegso hadii aad ka agdhowdahay dad waayeel ah ama xanuunka u nugul, aadna isku aragtay calaamaddaha xanuunadda hawo-mareenka.
  • Hadii aad tahay qof waayeel ah ama u nugul xanuunka, xiro maradda afka marka aad joogto goobaha uu dadka ku badanyahay, hadii aan la kala fogaan karin. Taladda ayaa si gaar ah u khuseyso xaaladdaha uu kor u kaco feyruska corona.
  • Dadka waayeelka ama xanuunka u nugul ayaa lagula talinayaa inay ka dheeraadaan goobaha la isugu imaad, hadii aysan qaadan talaalka corona. Guruubka ayaa si gaar ah loogu-la talinayaa inay mar walba ka fakaraan qaaditanka feyruska, hadii aysan talaaladda loogu talagalay wada qaadan.

Xigasho/kilde: Koronasmitten øker: Disse smittevernrådene gjelder nå.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x