torsdag, april 25, 2024

Dadka ceyrta qaata oo bisha Desember lacago dheeraad ah heli doono.

Sida ay heshiis ku gaareen xisbiya SV iyo xukuumadda, dadka danyarta ah ee dowladaha ka qaata lacagaha ceyrta ah ayaa bisha Desember qaadan doono 1000 kr oo dheeraad ka ah lacagihii ay horey dowlada uga heli jireen. Waxaa intaas sii dheer in ilmo walba ay 1000 kr ku heli doonaan bisha Desember.

Waxaan qabnaa in arrintan ay kaalmo u tahay guruub bulshada katirsan oo aad u nugul, iyada oo lagu jiro xaaladda iyo xiligan adag, ayuu sheegay Frode Jacobsen oo katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap.

Go’ aanka ay xisbigan ku heshiiyeen ayaa kusoo beegmay xili ay dad badan oo danyar ah oo Norway kunool ay aad uga deyrinayaan xaaladooda nololeed, kadib markii ay qaaliyowday sicirka maciishadda iyo korontada dalka Norway. Waxaana maalmihii ugu danbeeyay meelaha dadka saboolka ah lagu quudiyo, lagu arkayay safaf dhaadheer oo dad ah, kuwaas oo safka ugu jiro helitaanka cunto meelahaas laga bixiyo.

Qiyaastii 50.000 qof oo ceyr-qaateyaal ah iyo 30.000 oo caruur ah ayaa la filaya in lacagtan ay gaarto. Waxaana howsha masuul looga dhigay oo ay dowladu u xilsaartay maamuladda degmooyinka iyo hey’ adda NAV.

Lama xaqiijin in dadka lacagtan loogu talagalay ay gaari doonto kahor fasaxa dhamaadka sanadkan, balse waxaa loogu talagalay in dadkaas ay gaarto bishan Desember.

Xigasho/kilde: Sosialhjelpsmottakere får 1.000 kroner hver

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x