torsdag, april 25, 2024

Booliska Oslo oo berito bilaabi doono adeegsiga » Kvitteringsordning»

Laga bilaabo maalinta beri ah ee shanta(5) bisha Desember, booliska Oslo ayaa bilaabo doono adeegsiga arrinta mudo badan ay soo socotay doodeedu, ee Kvitteringsordning. Taas oo ka dhigan in boolisku ay warqad cadeyn ah(Kvittering) siin doonaan qofka ay boolisku istaajiyaan.

Ujeedka arrintan ka danbeyso ayaa aheyd dood xili dheer soo socotay oo aheyd cabasho ka taagneyd in booliska Oslo ay sabab-danbi la aan istaajiyaan dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan dhalinyarada. Arrintaas oo keentay in dhalinyaro badan ay sheegaan inay ka aamin baxeen booliska oo ku tagoorayo midabkooda iyo dharka ay xiranyihiin.

Talaabadda ay boolisku soo rogeen ayaa ah mid kumeel gaar ah, waxeyna socon doontaa mudo cayiman oo ba bilaabata 5.12.2022 ilaa 3.09.2023.. Kadib ayaa dib u qiimeyn lagu sameyn doonaa, lana eegi doonaan in joogto laga dhigo iyo inkale.

Mudadda tijaabadda ah ee uu socoto talaabaddan, ayaa waxey ka dhaqan-gali doonaa aag cayiman oo ah senterka magaaladda Oslo iyo hareerihiisa. Taas oo ka dhigan in qofka ay boolisku ku istaajiyaan aagaas la cayiman uu heli doonto waraaq cadeyneyso sababta ay boolisku u istaajiyeen.

Waxaa ujeedadda ka danbeyso arintan si fiican noogu sharaxay Sucad Cabdi oo ah gudoomiyaha ururka MIO.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x