fredag, april 19, 2024

Booliska oo sadex qof u qabtay dilka wiilkii soomaaliga ahaa ee la weysanaa.

Booliska magaaladda Hammarfest ee woqooyiga dalkan Norway, ayaa qabtay sadex qof oo ay ku eedeynayaan dilka Abdullahi Dayib Mahamud oo ah 23 sano jir soomaali ah oo la weysanaa labadii(2) sano ee ugu danbeeyay.

Booliska ayaa ogolaansho maxkamadeed u helay inay baaraan guryaha sadex nin ee la-tuhunsanayaasha ah, waxaana ay soo qaateen moobiladda iyo qalab kale oo electronic ah, kuwaas oo boolisku ay sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan.

Sadexda qof oo boolisku ay qabteen shaley oo khamiis aheyd, ayaa xabsiga laga sii daayay markii ay boolisku wareysteen kadib, lamana xirin waqti kumeel gaar ah( Rumaan). Balse booliska ayaa sheegay in wali sadexdan qof ay u diiwaangashanyihiin inay yihiin la-tuhunsanyahay kiiskan.

Boolisku ma sheegin sababta ay u tuhmeen sadexdan qof, iyo cadeymaha ay heleen. Nalse Anja Mikkelsen Indbjør oo katirsan booliska gobolka Finnmark ayaa sheegtay in boolisku ay heleen sabab tuhun oo ku filan, taas oo ay ogolaansho kaga heleen maxkamadda si ay u baaritaan ugu sameeyay guryaha dadka la tuhunsanyahay, una soo qaataan mobiladaado iyo qalab kale oo electronic ah oo guryaha laga helay.

War saxaafadeed ay boolisku soo saareen ayay sidoo kale ku sheegeen in aysan wali ogeen waxa ku dhacay Abdullahi, balse ay ku gudo jiraan baaritaanka kiiskan. Sidoo kale waxey raaciyeen in aysan helin sabab sharciyeed oo ku filan oo ay xabsiga ugu sii hayaan sadex qof ee ay kiiska dilka ah ku tuhmeen, sidaas darteedna ay usii daayeen, balse baaritaankoodu uu wali socdo.

Booliska ayaa labo isbuuc kahor baaritaan ku bilaabay meel u dhow garoonka ciyaaraha Hammarfest, iyaga oo sheegay inay ka baarayaan meydka Abdullahi oo ay boolisku tuhunsanyihiin in la dilay. Balse labo maalin kadib ayay soo gabo-gabeeyeen baaritaankooda, waxeyna sheegeen inay waxbo ka waayeen goobtii ay baareen.

Xigasho/kilde: Tre siktet for drap i savnet-saken i Hammerfest.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x