tirsdag, april 23, 2024

41 taajir oo canshuur ka carar ah ayaa Norway ka guuray 2-dii sano ee ugu danbeeyay.

Sida lagu sheegay tirokoob dhawaan lasoo bandhigay, waxaa labadii sano ee ugu danbeeyay dalkan Norway isaga guuray hantiiley ama tujaar gaareyso 41 qof, kuwaas oo badankooda u guuray dalka Switzerland.
Dadka taajiriinta ah waxaa loola jeedaa dadka haysta hanti dhan 100 milyan oo NOK iyo wax badan. Waxaana sababta guuritaankoodu lagu saleeyay inay ka baxsanayaan canshuurta dheeriga ah ee laga qaado hantiileyda, gaar ahaan kuwo heysto hanti keyd ah oo mug weyn.

Switzerland waa mid ka mid ah wadamada ugu caansan ee loo guuro. Sababtoo ah halkaas waxay ku bixiyaan canshuur yar. Dhawr ka mid ah taajiriinta ayaa ka biyo diiday bixinta cashuurta hantida oo ah mid badan.

Kuwa doortay inay guuraan waxay dalka ka saareen ama Norway kala baxeen 36 bilyan NOK sanadki u dambeeyey.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Aftenposten ayaa qoray in inkasto oo taajiriin badan ay dalka ka guureen, hadana ay tirada guurtay aad u yartahay marka la fiiriyo tujaarka wali kunool Norway. Waxay qoreen in kuwa guuray ay ka ahayeen 2.3 % dhammaan canshuur bixiyaasha hantida guryaha.

Avisa ayaa qortay in ay wadanka Norway doorbideen in ay ku nagadaan ku dhawaad ​​1.700 tujaar hantiiley ah, kuwa guuray ayaa ah 6.4 boqolkiiba qiimaha guud ee dhammaan dadka hodanka ah.

Xigasho/kilde: 41 rikinger utflyttet på to år – disse kommunene berøres.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x