torsdag, april 25, 2024

Qiimeyn: Norway waa wadanka ugu wanaagsan ee howlgab lagu noqon karo.

Sida lagu sheegay warbixinta qiimeyn uu sameeyay bankiga Natixis ee laga leeyahay dalka Faransiiska, Norway ayaa ku guuleystay qiimeynta caalamiga ah ee dalka ugu wanaagsan ee qof uu howlgab ku noqon karo.

Norway ayaana qiimeynta uga guuleystay 44 wadan oo isku dar qiimeynta lagu sameeyay. Waxaana booska labaad(2) soo galay dalka Switzerland, halka dalyaraha Iceland uu kujiro booska sadexaad(3).

Howlgabka ayaa laga wadaa marka uu qofku gaaro da’ da 62 sano iyo wixii ka weyn, ee uu qofku noqdo howlgab shaqo.

Afar qodob oo qiimeyntan lagu saleeyay ayaa kala ah adeegyadda caafimaad ee qofka howlgabka uu helo, xasilooni shaqaale, heerka nolosha iyo heysashada agabyada nolosha ee muhiimka u ah qofka howlgabka shaqo noqdo. Norway ayaana dhamaan afartan(4) qodobba booska koowaad ka galay.

Qodob aad u muhiim ah oo qiimeyntan aan lagu darin ayaa ah qodobka cimiladda oo dad badan oo howlgab ah ay wax badan ka fakaraan.

Xigasho/kilde: Norge er verdens beste land for pensjonister.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x