torsdag, mai 2, 2024

Oslo: Sidee danbiyada dhalinyarada looga hortagaa? Maxaase dhalinyaradda danbiyada ku riixa.

Xaafadda Tøyen ee Magaaladda Oslo waxaa galinkii danbe ee khamiista ka dhacay kulan dadweyne oo looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa falal danbiyeedyada ay geystaan dhalinyaradda, loona wajihi lahaa caqabaddaha dhalinyaradda ku riixa inay galaan falalka danbiyadda ama sharci daradda la xiriira.

 Kulankan oo ay isugu imaadeen waalidiinta, ururadda mutadacwnimadda ku shaqeeyo dhalinyaradda iyo  siyaayiinta lokalka ah ee xaafadda Tøyen, ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay gudoomiyaha maamulka Oslo Reymond Johansen iyo booliska magaaladda. Xaafadda Tøyen ayaa kamid ah xaafaddaha ay ku badanyihiin bulshooyinka soo galootiga ah ee kunool Oslo.

Dhalinyaradda ayaa kulanka kusoo bandhigay dareenkooda iyo fikraddaha ay ka qabaan caqabaddaha heysto, kuwaas oo ay kamid yihiin shaqo la ‘ aan, fahan dari kala heysto iyaga iyo nidaamka dowliga ah, kalsooni daro ay kala kulmaan booliska xaafadda iyo inay yaryihiin tiradda goobaha ama xarumaha ay aadi karaan si ay waqti ugu qaataan marka ay iskuuladda kasoo baxaan.  

Arrin kale oo ay muujiyeen ayaa ah in m marar badan ay dhacdo in boolisku ay istaajiyeen dhalinyaradda xaafadda kunool ee asal ahaan ajnabiga ah, iyaga oo aan wax danbi ah sameyn, balse loo istaajinayo sababo la xiriira midabkooda ama dharka ay xiranyihiin. Waxeyna sii raaciyeen in iyada oo ay taas jirto dhawaan xaafadda Tøyen laga furi doono xarun boolis oo sii badin doono tirada booliska ka howlgala xaafadda, dhanka kalena lasii yareynayo tiradda xarumaha aktivitetyada iskuuladda kadib, kuwaas oo awalba horey u yaraa.

Booliska ayaa dhankooda sheegay inay fahansanyihiin , ayna dareemi karaan kalsooni daradda ay muujiyanayaan dhalinyaradda, ayna isku dayi doonaan inay wanaajiyaan xiriirka iyo wada-shaqeynta kala dhaxeyso dadka deegaanka, si looga hortago arrimaha keenayo in dhalinyaro aan danbi galin sabab la aan la istaajiyo. Dhanka kale waxey sheegeen in Oslo ay tahay meelaha ugu badan ay danbiyadu ka dhacaan  Norway, booliska Oslo-na uu saaranyahay culeys shaqo oo xoogan, taas mararka qaarkood keeni karto isfahan daro aan lagu talgalin ay dhacdo.

Maamulka booliska Oslo ayaa dadweynaha kulanka kasoo qeybgalay kala kulmay su\ aalo adag oo intooda badan xiriira fahanka siyaasiyiinta iyo ka daacidnimadooda wax ka qabashada caqaddaha ay dhalinyaradu ka hadleen, halka qaar su aalaha kamid ahna ay ahaayeen dhaleeceyn la xiriirta wax ka qabashada iyo ahmiyad siinta waxyaabaha qaarkood oo soo jiray sanooyin aad u badan. Maamulka Oslo ayaa ka garaabay waxyaabaha qaarkood, halka ay iska fogeeyeen arrimaha lagu dhalceeyay kuwo kamid ah, waxeyna taxeen liiska og\ aano ama waxyaabo qabteen oo la hirgalaiyay.  Waxeyna sheegeen arrinta kalsooni daradda booliska ee dhalinyarada, ay boolisku waajib ku tahay inay kasbadaan kalsoonidda dhalinyarada, ayna abuuranto wada-shaqeyn aan kala shakis ku dhisneyn.

Marka uu kulanku soo dhamaaday, waxaan arragtidooda ku aadan kulanka dadweyne ka wareysanay Sucaad Cabdi oo ah MIO ee ka shaqeeya arrimaha danaha u ah ajaaniibta, iyo Faiza Warsame oo ah Gudoomiyaha ururka Håp Kompetanse oo ah urur si aad uga shaqeeya xaafaddan Tøyen, saameyna ku leh. Ururka MIO ayaa kamid ah ururadda soo qaban-qaabiyay kulankan dadweyne, halka Faiza Warsame ay kamid ah dadka lagu marti qaaday ee hadaladda ka jeediyay.

Gudoomiya Maamulka Degmadda Oslo Reymond Johansen ayaa sidoo kale NorSom TV uga waramay dareenkiisa  ku aadan arrimaha dhalinyaradda ay ka hadleen qaarkood, gaar ahaan mida ku aadan ka cabashadda dhalinytaradda ee booliska sabab la aanta u istaajiya.

Mid kamid ah arrimaha ugu waaweyn ee dhalinyaradu ay ka cowdeen ayaa ah arrintan shaqo la aanta, iyo in aan loogu yeerin wareysiyadda marka ay codsadaan shaqooyin. Waxeyna sheegeen in rabitaanka ugu weyn ee qofka dhalinyaradda ay tahay inuu helo lacag uu shaqeystay oo soo gasho, taas oo ku iibsado waxyaabaha uu u baahanyahay ka dhalinyaro ahaan, uuna ku taageero qoyskiisa. Balse helitaan la aanta il dhaqaale oo shaqo ay mararka qaarkood dhalinyarad aku riixda inay raadiyaan meelo kale oo ay dhaqaale ka helaan, sida tusaale ahaan iibinta daroogadda oo kale.

Håp kompetanse ayaa kamid ah ururadda tusaale ahaanta loo soo qaatay oo xagaa walba fursad abuur shaqo u sameeya tobanaan dhalinyaro, arrintaas oo ka keelmeyso inay helaan shaqo kale oo rasmi ah.

Sucaad Cabdi ayaa weydiinay su aal ku aadan saameynta dareenka qofka dhalinyaradda ah ee ku yeelaneyso marka  ay boolisku istaajiyaan isaga oo aan geysan wax danbi ah, iyo saameynta arritnaas ee kalsooniadda uu ku qabo hey\ addaha amniga. Waxeyna sucaad waalidka soomaalida ah ku wargalisay inay dhalinyarada ku wargaliyaan in mar walba oo la istaajiyo ay cadeyn sababeysan oo qoran ay ka dalbadaan askariga booliska ah ee istaajiyay , sii loo documenti gare

Gudoomiyaha magaaladda Oslo ayaa sheegay in ka maamul ahaan maamulka degmadda Oslo ay wel-wel xoogan ku heyso in dhalinyaro badan ay waxbarashada ka haraan, gaar ahaan marka ay gaaraan dugsiyadda sarre, arrintaas oo sheegay inay tahay in si wadajir ah wax looga qabto.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x