torsdag, mai 2, 2024

Dowlada oo diiday inay danyarta u kordhiso taageeradda dhaqaale.

Waxaa gabagabo ku dhow wahadaladda miisaaniyadda sanadka 2023 ee ay xisbiga dowlada ee Sp iyo Ap kula jiraan xisbiga Sv ee siyaasad wadaagta yihiin. Miisaaniyadda sanadka danbe ee 2023 ayaa waxaa ka muuqdo saameynta dhaqaale iyo mida maciishadeed ee sicir-bararku uu ku keenay bulshada dalka Norway, gaar ahaan mudadda uu socdo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Maadaama ay maciishadu ay qaaliyowday sicir bararka awgiis, ayna aad kor ugu kacday sicirka korontada, waxaa dowlada loo soo jeediyay in la kordhiyo taageerooyinka dhaqaale ee la siiyo bulshooyinka danyarta ah ee Norway kunool, gaar ahaan kuwa dhaqaae ahaan tabarta-daran.

Balse dowlada ayaa arrintaas diiday, sida ay sheegtay wasiiradda shaqada Marte Mjøs Persen. Waxeyna wasiiradu sheegtay in arrintaas aysan qeyb ka aheyn qorshaha miisaaniyadda dowlada ee hada la rabo in la meelmariyo.

Wasiiradda shaqadda oo xisbiga Ap katirsan ayaa sheegtay inay ogtahay in dad badan ay xaaladda nololeed ku adkaatay maciishada qaaliyowday iyo sicir bararka awgiis, balse aan wax walbe aan lacag la kordhiyo lagu xalin karin.

Shaqadeena ugu muhiimsan waa in aan xil iska saarno in dadku ay heystaan shaqooyin iyo dhaqaale ay uga bixi karaan xaaladda taagan, uusana u weynaan farqiga duruufaha bulshada iyo heerka noloshooda. Taasna kuma xalin karno oo kali ah in aan lacag adeegsano.

Wasiiradda ayaa dhanka kale sheegtay in arrintaas ay isbadali karto.

Xigasho/kilde: Regjeringen sier nei til økt trygd til de fattigste før jul.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x