fredag, mai 3, 2024

Sweden iyo Finland oo wufuud u diray Turkiga.

Masuuliyiin sarsare oo ka kala socda dalalka Sweden iyo Finland ayaa Arbacadii shalay, wadahadallo socday illaa shan saacadood waxay la qaateen masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalka Turkiga, iyaga oo ka wada xaajoonayey sidii looga gudbi lahaa diidmada xooggan ee dalka Turkigu kala horyimi in dalalkani ay ku biiraan isbahaysiga gaashaanbuurta NATO.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa NATO u gudbiyey codsigooda ku biiritaanka, toddobaadkii hore, hase ahaatee Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeestay in dalalkani ay ku biiraan NATO, wuxuuna ku eedeeyey in dalalkani ay taageeraan kooxo khatar ku ah amniga dalka Turkiga, sida kooxda PKK ee ka dagaalanta dhulka Kurdistan.

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale ku eedeysay dalalka Finland iyo Sweden inay xayiraad ku soo rogeen hubka ay u dhoofiyaan Turkiga ayna diideen inay u gacan geliyaan dadka looga shakisan yahay “argagixisada”.

Diidmada Turkiga waxa ay hoos u dhigtay rajadii Stockholm iyo Helsinki ee ahaa in ay si degdeg ah ugu biiraan NATO xilli uu Ruushku ku duulay dalka Ukraine, waxana uu halis geliyey kalsoonida isbahaysiga ka gudba Atlanta. Dhammaan 30ka xubnood ee NATO waa inay ku heshiiyaan qirashada xubno cusub.

Weftiyada ka kala socday dalalka Sweden iyo Finland ayaa la kulmay afhayeenka madaxweynaha Turkiga, Ibrahim Kalin iyo wasiir ku xigeenka arrimaha debedda ee Turkiga, Sedat Onal. Weftiga Sweden waxaa hoggaaminayey xoghayaha dawladda Sweden Oscar Stenstrom, halka uu weftiga Finland uu hoggaaminayey Jukka Salovaara oo ah xoghaye hoosaad ka tirsan wasaaradda arrimaha debedda ee Finland.

Ra’iisal wasaaraha Sweden Magdalena Andersson oo kulan kula qaadatay magaalada Stockhol madaxa Midawga Yurub Charles Michel ayaa sheegtay in dalkeedu uu doonayo inuu caddeymo buuxa ka bixiyo sheegashooyinka lagu soo hadalqaaday kulankii ay la yesheen masuuliyiinta dalka Turkiga, waxayna tidhi “Lacag ama hub uma dirno ururada argagixisada».

Ra’iisul wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegtay ka dib kulan ay magaalada Stockholm kula qaadatay madaxa golaha Yurub Charles Michel in dalkeeda uu doonayo «inay caddeyso» sheegashooyinka dhex sabbeynayay intii lagu guda jiray wadahadalada Turkiga.

Waxay sheegtay inay dalkeeda Sweden uu wadahadal wax ku ool ah la yeeshay masuuliyiinta dalka Turkiga, iyada oo sheegtay inay jeceshahay in la xalliyo arrimaha keenay ismaandhaafka labada dal.

Xigasho/kilde: VOA

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x