fredag, april 26, 2024

Shaqaale sharaabka ku kaadin jiray maqaaxi kutaal gobolka Washington, USA.

Maqaaxi lagu magacaabo Arby kuna taal magalada Vancouver gobolka Washington ee dalka maraykanka ayaa fadeexad soo wajahday kadib markii la ogaaday in mid kamida shaqaalaheedu sharaabka milkshake ka ah kaadi dadka ugu dari jiray.

Booliska magaalada Vancouver ayaa shaqaale katirsan maqaaxida Arby telephonekiisa lawareegay si ay u baadhaan eedayn loo soo jeediyey oo kusaabsan faraxumayn uu caruur kula kacay.

Hasa yeeshee arinta boolisku mobileka shaqaalaha ku arkeen ayaa noqotay mid yaableh oo argagax leh.

Video mudo 16 ilbiriqsi soconaya ayaa wuxuu tusinayaa ninkan 29 jirka ah ee maqaaxida ka shaqaynayey oo ku kaadshaya sharaabka ka hor inta uusan macaamiisha ugeyn.

Ninkan ayaa xiliga arintani dhacaysay maqaaxida keli ku ahaa kuna qornaa xiliga habeenkii maqaaxida, inkasta oo uu sheegay inuu daadiyey sharaabkaas hadana boolisku waxay sheegeen inay macquul tahay in cidii dalbatay loo geeyey.

Videoga ayaa tusinaya in laduubay 30 ka bishii tobnaad ee sanadkii hore. Mid kamida shaqaalaha maqaaxida ayaa sidoo kale sheegay inay iibiyeen maalintaas 30 ilaa 40 koob oo milkshake ah.

Booliska ayaa ka codsaday dadkii sharaabka milkeshake ka cabay maqaaxida maalmahaas inay lasoo xidhiidhan. Dhanka kale dhakhtar Alan Melnick ayaa sheegay inaysan wax khatar ah oo wayn oo caafimaad keeni karin kaadi sharaaab lagu cabay.

Booliska ayaa baadhitaaan kuwada ninkan oo hada laba kiis ay ku furanyihiin kii hore oo ah faraxumayn caruur iyo kan dambe oo ah macaamiil sharaab kaadi loogu daray, waxa uuna mudan doonaa ganaax iyo xabsi labadaba.

xigasho/kilde: Restaurantansatt ble avslørt – tisset i milkshakeblanding

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x