lørdag, mai 4, 2024

Oslo: Qof meyd ah oo laga soo saaray biyo dhexdood.

Magaalada Oslo, Qof meyd ah ayaa maanta galinkii danbe laga helay biyo dhexdood. Booliska ayaa qaba in dhimashada qofka meydkiisa la helay, aysan ka danbeyn wax fal danbiyeed ah.

Bjørn Gunnar Nysæter oo katirsan booliska Oslo ayaa sheegay in boolisku ay qofka meydkiisa la helay ka heleen waxyaabo muujinayo aqoonsigiisa shaqsiyeed, ayna hada xaqiijiyeen aqoonsiga qofka dhintay. Balse waxey sheegeen inay marka hore wargalin doonaan qoyska iyo qaraabadda qofka dhintay, kahor inta aysan shaacin ama warbaahinta la wadaagin.

Booliska ayaa dhanka kale diiday inay faah-faahin dheeri ka bixiyaan waxa ay ilaa hada ka ogyihiin dhacdadan.

Xigasho/kilde: Død person hentet opp av vannet i Oslo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x