fredag, april 26, 2024

Jaaliyadda Norway oo sanadkan labo musharax ku leh tartanka madaxweynaha Soomaaliya

15-ka bishan waxaa magaaladda Muqdisho ka dhici doono tartanka doorashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya. Taas oo ay u tartamayaan musharaxiin gaaraya ilaa 39 musharax, oo ay kamid yihiin sadex(3) Madaxweyne oo dalka soo maray iyo hal(1) reysulwasaare hore.

Hadaba musharaxiinta ka qeybqaadanayo tartanka doorashada loogu jiro xilka ugu sareeyo ee xukunka Soomaaliya, waxaa kamid ah Dr. Cabdi Cali Xasan oo kamid ah xildhibaanadda baarlamaankii 10.aad. Iyo Xasan Cali Kheyre Reysulasaarihii hore ee Soomaaliya. Labaddan musharaxba ayaa ah masuuliyiin katirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway, waxeyna inta aysan ku biirin siyaasadda Soomaaliya xubno firfircoon ka ahaayeen bulshada Soomaaliyeed ee Norway.

Dr. Cabdi Cali oo shahaado PHD ah ka heysto dhaqaalaha, ayaa horey usoo noqday wasiiru dowlaha Amniga iyo arrimaha gudaha Soomaaliya. Wuxuuna mudo aad u dheer kamid ahaa baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale kamid ah gudiga baarlamaanadda Afrika ee ilaalinta dhaqaalaha iyo amniga cuntooyinka, abuurka iyo beeraha.

Xasan Cali Kheyre oo mudo sadex(3) iyo bar ahaa reysulwaasaraha Soomaaliya, ahaana reysulwasaarihii ugu cimriga dheeraa xafiiska mudadii burburka kadib, ayaa sanadkan kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ku guuleysiga kursiga madaxweynaha. Waxaana loo saadaalinayaa in Natiijo fiican uu sanadkan ka keeno doorashada.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x