fredag, mai 3, 2024

Dowlada oo rabta in raga isku-galmoodo loo ogolaado inay dhiig bixin karaan.

Wasaaradda caafimaadka dalkan Norway ayaa rabta in wax ka badal lagu sameeyo sharciga dhiig-bixinta Norway, si loo fududeeyo in ragga jinsi ahaan isku galmooda, ay bixin karaan dhiig-shubis( In dhiigooda ay ku deeqaan).

Sharciga dhiig-bixinta Norway ayaa hada dhigaya in ninkii nin kale la galmoodo( Jinsi la sameeya) uusan dhiigiisa shubi karin, ilaa 12 bilood ay kasoo wareegto, markii ugu danbeysay ee uu nin kale galmo la sameeyay. Sababta arrintan ka danbeysa ayaa lagu sababeeyay in cudurka Aids-ka ee ka dhasha caabuqa HIV uu ku badanyahay ragga ragga kale galmadda la sameeya.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka ayaa hada amartay waaxda caafimaadka (Helsediroktoratet) ay inay soo qiimeyso suurtogalnimadda in isbadal lagu sameeyo xeerka dhiig-bixinta Norway, si ragga isku galmooda looga qaado mudadda 12-ka ah ee laga xanibay inay dhiigooda bixin karaan.

Wasiiradda caafimaadka Norway, Ingvild Kjerkol ayaa sheegtay in dadka dhiigooda bixiya in bulshadda ay sameeyaan dadaal muhiim ah, sidaas darteed ay sax tahay in loo fududeeyo sidii ay dhiigooda qaab amaan ah ugu deeqi lahaayeen.

Qofka Afrikadda saxaraha ka hooseyso ka yimid dhiig ma shubi karo.

Norway waxaa ka jiro bankiga keydka dhiiga oo qofkii raba uu la xiriiri karo, balana ka qabsan karo, si uu dhiigiisa u shubo. Laakiin dhiig bixinta waxaa ku xiran shuruudo adag oo ay tahay in qofka dhiiga bixinayo uu buuxiyo kahor inta aan loo ogolaan dhiig-shubista.

Tusaale ahaan shuruudaha qofka dhiiga bixinayo lagu xiro waxaa kamid ah:

  • In miisaan ahaan uu ka weynyahay 50 Kiilo.
  • In uusan qabin xanuun joogto ah oo mudo la noolaa.
  • Inuusan shan sano oo xiriir ah ku noolaan Afrikada ka hooseysa saxaraha. Hadii aad shan sano joogtay dal kamid ah dalalka Afrika ee ka hooseeyo saxaraha, dhiig kuma deeqi kartid.
  • Qofka adeegsadda mukhaadaraadka waa inuu hal sano oo uusan daroogo jirkiisa gaarin, si uu dhiigiisa ugu deeqi karo.

Shuruudaha kale ee la xiriira dhiig-bixinta: Halkan kasii akhri. Blodbanken.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x