fredag, april 26, 2024

Booliska: 335.000 qof ayaa dalbaday inay baasaboor cusub la siiyo.

2 sano oo aafadii saf mareenka Koronaha ah iyo xayiraadihii safarada ka dib ayaa waxaa batay tirada dadka hammuunta u qaba inay xagaaga ku soo dalxiisaan dibadaha, taas ayaana laga dareemay waaxyaha booliska ee laga soo saaro baasaboorada.

Agaasinka booliska ayaa warbaahinta Abc nyheter u sheegay in sannadkan oo keli ah la dalbaday 335. 000 oo baasaboor, sidoo kalena138,000 oo teesarha qaranka ah ayaa la dalbaday.

Muddada sugidda oo dheer awgeed ayaa boolisku sheegeen in la codsado baasaboorka 5 wiig ka hor xilliga safarka.

Booliska oo xaddiday soo saarista Basaboorka iyo teesaraha ilaa kowda bisha Luulyo ee sannadka ayaa sheegay in ay arrintani tahay mid heer caalami ah oo aan ku koobnayn Norway balse ay nala qabaan waddama kale oo badan.

Dagaalka Ukraaniya ayaa raad ku yeeshay soo saarista basaboorada, maadama maadooyinka laga sameeyo hakad ka galay xagga soo saarista, qaadista ama xamuulka ah. Sidoo kale Koroonaha ayaa isaguna ah mid ka mid ah sababaha keenay caqabadaha soo saarista basaboorka.

Xigasho/kilde: 335.000 nordmenn har søkt om pass i 2022.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x