fredag, april 26, 2024

7 qof oo shalay shilal gaari ugu dhintay wadooyinka Norway.

Shaley waxaa dalkan Norway ka dhacay shilal dhowr ah oo sababay isku dar dhimashada 7 qof oo ku dhintay goobo kala duwan oo Norway ah.

Afar(4) qof oo dalxiisayaal ah ayaa ku dhintay tuuneelka Steigentunnelen ee woqooyiga dalkan Norway, halka labo(2) qof oo kalena ay shaley galinkii hore ku dhinteen shil ka dhacay voss oo dhacda galbeedka dalkan Norway.

Qof kale oo mootoole ah ayaa isna shaley ku dhintay gobolka Telemark, kadib markii uu shil ku galay wadadda.

Sida caadiga bilaha xagaaga ee sanadka, waxaa wadooyinka Norway ka dhaca shilal badan oo sababa dhimashada dad badan.

Ilaa hada sanadkan 2022 waxaa wadooyinka Norway ku dhintayu 37 qof, halka Sanadkii lasoo dhaafay ay wadooyinka Norway shil ugu dhintay 87 qof.

Labo baabuur oo laga leeyahay dibadda ama watay taariko wadan kale ah ayaa la xaqiijiyay inay shaley galeen shilalka ay ku dhinteen 6 qof isku dar, kana kala dhacay woqooyiga Norway iyo deegaanka Voss.

Xigasho/kilde: Sju personer døde i trafikken på bare én dag.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x