lørdag, april 27, 2024

14 caruur ah iyo macalin lagu toogtay school Texas.

Sida uu xaqiijiyey badhasaabka gobolka Texas Gregg Abbot 14 caruur ah iyo macalin ayaa dhintay kadib markii qof ku hubaysan qori uu weerar kusoo qaaday School kuyaala magaalada Uvalde oo ka tirsan gobolka Texas.

Duqa magaalada Greg Abott ayaa sheegay in qofkii geystay weerarka kudhintay toogasho boolisku ugeystay. Sidoo kale duqa magaalada ayaa sheegay in qofka toogashada geystay uu ahaa 18 jir kasoo jeeda magaalada Uvalde, ahana arday ka tirsanaa dugsiga sare ee Uvalde High School.

Waxuu kaloo sheegay inuu toogtay ayeeydii kahor inta uusa gelin iskuulka mase xaqiijin inay dhimatay iyo inkale, lama sheegin in xidhiidh ka dhaxeeyey toogashada uu ayeeydii ugeystay iyo weerarka uu ka geystay Schoolka qofka weerarka geystay.

Lama garanayo sababta ka dambaysay weerarka ay kudhinteen 15 qof inta la ogyahay ila hada ee ka koobay macalin iyo 14 caruur ah, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen qaar kamida booliskii goobta yimi, macalin iyo arday kalaba.

Dugsiga weerarku kadhacay oo lagu magacaabo Robb Elementary School ayaa ahaa dugsi hoose dhexe oo ay dhiganayeen arday gaadhaysa 475 arday. Magaalada Uvalde ayaa ah magaalo yar oo ay ku nool yihiin 16.000 oo qof.

Ardayda dhimatay ayaa ahaa inta udhexatsa 7 sano jir ilaa 10 sano jir, waxayna dhiganayeen fasalada labaad, seddexaadd iyo afraad.

Waxaa wel wel wayn sooo wajahay waalidiinta caruurtoodu dhiganayeen iyo bulshada kudhaqan magaalada iyo nawaaxigeedaba.

Dadka qaar goob goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay inay arkayeeen caruurta oo daaqaadaha iskuulka ka daadanaya si ay uga bad baadaan toogashada kaga imaanaysay qofka weeerarka geysanayey.

Madaxa booliska magaalada Uvalde Pete Arredondo ayaa xaqiijiyey dhimashada qofkii weerarka geystay iyo inuu keli ku ahaa weerarka.

Xigasho/kilde: 14 barn og en lærer drept i skoleskyting i Texas

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x