lørdag, april 27, 2024

Xeryaha Ciidanka Norway oo markii ugu horeysay taariikhda u dabaaldagi doono xafladda ciida.

Talisyadda iyo xeryaha tababarka ciidanka Norway ayaa markii ugu horeysay taariikhda, sanadkan looga dabaaldegi doonaa munaasabadda ciidul fidriga. Waxaa sidaas lagu qoray bogga ka warama arrimaha ciidamadda ee Forsvarets forum.

Arrintan ayaa sidoo kale imaaneyso xili sanado kahor ay ciidanka Norway bilaabeen inay shaqaaleysiiyaan imaam muslim ah oo salaaddaha ka saara askarta muslimiinta ah, isla markaana talo siiya askarta muslimiinta ee kujira xeryaha tababarka ciidanka.

Najeeb ur Rehman Naz oo ah imaamka ciidanka Norway, ayaa sheegay in ciidu ay tahay maalin ku weyn dhamaan dadka muslimiinta ah, ayna tahay maalin lasoo khatimo bisha bakareysan ee Ramadan. Sidaas darteed ay muhiim tahay in si wadajir ah loo dabaaldego, lana xuso. Wuxuuna raaciyay in dhamaan dadka oo dhan ay u furanyihiin inay xafladaas ka qeybgalaan, ayna la qeybsadaan farxadda askarta jaalkooda ah oo xeryaha kula jirta.

Munaasabaddaha ciidul-fidriga ee sanadkan ayaa ka dhici doono iskuuladda ciidanka ee kyaalo Linderud iyo Sessvollmoen, sidoo kalena xeradda tababarka ee kutaal Madla.

Xigasho/kilde: Forsvaret skal avholde id-markering for første gang.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x