fredag, april 26, 2024

Xabsi dalkiisii kuyaal ayuu ka shaqeyn jiray: 12 sano oo xabsi ayaa lagu xukumay

Maxkamad kutaal dalka Holland ayaa 12 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Afgaanistaa, kaas oo lagu helay danbiyo la xiriira xaq-gudub xuquuq bini-aadantinimo.

Abdul Razzaq Rafief oo ah magaca 76-sano jirkan la xukumay, ayaa horey u ahaan jiray madaxa shaqaalaha xabsiga kuyaal magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afgaanistaan. Wuxuuna xabsigaas madax ka ahaa mudadii u dhaxeysay 1983 ilaa 1990.

Ninkan ayaa iska dhiibay dalka Holland sanadkii 2001, wuxuuna dalkaas ka heystay sharci degenaansho ah. Balse waxaa gadaal kasoo baxay qoraal ay qoreen dad ninkan ku eedeynayo inuu dhibaato u geystay intii xabsigaas uu madaxa ka ahaa.

Booliska Holland ayaa ninkan soo qabtay sanadkii 2019. Wuxuuna markii hore sheegay in ninkaas la eedeynayo uusan isaga aheyn oo qof kale lagu qalday, gadaalkii danbena wuxuu sheegay inuusan waxba xusuusan oo xusuus-guur ay ku dhacday.

Maxkamadda HAAG ayaa ninkan ku riday xukun 12 sano oo xabsi ah, waxaana lagu helay eedaha loo soo jeediyay oo ku saabsan qaabkii uu maxaabiista xabsigii uu madaxa ka ahaa ku jiray uu ula dhaqmay.

Xigasho/kilde: Afghansk fengselssjef dømt til tolv års fengsel i Nederland.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x