lørdag, april 27, 2024

Wuxuu rabay inuu gubo kitaab quraan ah: Leysinkii ayay boolisku ka qaadeen.

Sida uu qoray boga Filter Nyheter, Booliska Oslo ayaa leysinka baabuur wadista ka qaaday Lars Thorsen oo ah gudoomiyaha ururka islaam naceybka loo dhisay ee SIAN. Ururkan oo magaciisa la yiraado «Stopp islamiseringen av Norge» ayaa hadii soomaali ahaan loo turjumo magaciisu wuxuu noqonayaa jooji islaameynta Norway.

Muuqaalkan uu ururkan soo galiyay bartiisa Facebooga ayaa waxaa lagu arkayaa in ninkan gudoomiyaha ururkan u ah oo isku dayayo inuu dab qabadsiiyo kitaab quraan ah, isaga oo saaran baabuurkiisa. Waxaana kusoo orday qof jidka marayay oo isku dayay inuu ka qaado kitaabka quraanka ah oo gubanayo, balse Lars Thorsen ayaa baabuurka si xawaare sarre ku dhaqaajiyay. Arrintan ayaa ka dhacday meel ku dhow masaajidka Soomaalida Oslo ee Towfiiq.

Sida a boolisku sheegeen ninkan ayaa khatar galiyay ugu yaraan afar qof, inta uu ku howlahaa gubitaanka kitaabka quraanka ah, isaga oo saaran baabuurka. Arrintaas oo ay boolisku sheegeen inay noqoneyso sabab ku filan oo ninkan looga qaado leysinka.

Xigasho/kilde: SIAN-lederen mistet lappen etter koranbrenning i bil.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x