fredag, april 26, 2024

UDI OO SHEEGTAY INAY MAALIN WALAB XERO QAXOOTI DAD KA BUUXIYAAN.

Hay’adda soo galeetiaga ee (UDI) ayaa qiyaastay in muddo gaaban gudahood 60. 000 oo qaxooti magangalyo doon ah ay imaan karaan Norway.

Todobaadkii u dambeeyey waxaa la diiwaan geliyey inta u dhexeysa 275 iyo 512 codsi oo maagangelyo doon ah, sidaasi waxaa qoray wargeyska VG.

Maalin kasta xero qaxooti ayaan buuxinaa ayay wargeyska u sheegtay Bogrhild Fløtre oo ah madaxa xeryaha iyo dib u celinta qaxootiga, waxayna raacisay ina ay dhawaan shaacinayaan qandaraaayo cusub oo ku saabsan shirkaddaha bixiya adeega xeryaha qoxootiga ee dadka lagu soo dhaweeyo.

Xukuumadda ayaa dirtay soo jeedin cusub oo ah wax ka bedelida sharciga khuseeya tirada inta kun ee qoxooti ah ee la dejinayo degmooyinka.

Soo jeedinta ayaa jawaab celintiisu ku egtahay 12-ka abriil, laakiin barlamaanka ayaa fasax ku jir. Sidoo kale waxaa jirta in sharci bedelista la go\ aamiyaa intaan qaxootiga loo qaybin degmooyinka.

Xeryaha qaxootiga oo qaada 200-300 oo qaxooti ah ayaa loo soo jeediyay dhaliilo ama cambaarayn badan oo la xariirta liidashada adeegooda, iyo in meelo badan ay ka maqanyihiin internet, Qaboojiyayal iyo maskiinada dharka dhaq. Waxaana baraha bulshada iyo warbaahinta lagu faafiyay sawirro ay ka muuqdaan dhismayaal wasakh ah oo ah kuwa lagu soo dhaweeyo qoxootiga.

Xigasho/kilde: UDI: Det fylles opp ett asylmottak hver dag.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x