lørdag, april 27, 2024

Tiradii ugu badneyd oo dad ah oo isbitaaladda u jiifa corona dartiis.

Maaliintii arabacada ayaa xanuuunka Corona uu soo ritay ee la dhigay isbitaalada Norway waxay tiradoodu gaartay 598 qof. Waana tiradii ugu badnayd intii lagu jiray xaaladda fayruuska saf mareenka ah ee coron. 46 qof oo dadkaas ka mid ah ayaa la dhigay qaybta xaaladaha daryeelka degdegga ah ama xaaladaha culus( Intensiv avdelingen).

Arrintan ayaa soo kusoo aadeyso xili ay aad u yaraatay hadalheynta xanuunka ee bulshada dhexdeeda, kadib markii ay dowladu qaaday inta badan xeerarkii xakamenta faafitaanka xanuunka.

Tirada la dhigay isbitaalada ayaa 26% kor uga kacday hal maalin gudaheeda, halka tirada dadka yaalo qeybta gargaarka degdega ah ay kor u kacday 1%.

Bukaanadda koroonaha ayaa 6.5% ka noqonaaya bukaanka la dhigay isbitaalada Norway maalintii arbacadii, halka kuwa xaaladaha culusina noqonayaan 19.8% ka noqonayaan bukaanka xaaladaha culus ee dalka oo dhan.

Tan iyo febraayo 2020 dadka uu ku dhacay safmareenka koroonaha ayaa tiradooda lagu noqonaysaa 1.257.079 qof sida laga soo xigtay Nidaamka warbixinta cudurada faafa ama lakala qaado ee heer qaran oo loo yaqaan Nasjonale meldesystemet for smittsomme sykdommer(MSIS).

Xigasho/kilde: Nær 600 coronasmittede pasienter innlagt på sykehus.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x