onsdag, mai 1, 2024

Sacuudiga oo shaaciyay in maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Soonqaad.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhoweyd xaqiijisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Kadib warka kasoo baxay Sacuudiga ayaa waxa caawa si rasmi ah taraawiixda looga bilaabaya Xaramka, bacda salaada Cishaa’i.

Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa bilaabay galabtii raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1443 Hijriyadda, iyada oo xiligaas ay dalbadeen in la baadi goobo bisha.

Sacuudiga ayaa hore ugu diiwaan-geliyay jadwalka Ummul-Qura in bisha Shacbaan ay dhalatay Khamiistii 3/4/2022-ka Miilaadiga, ayna maanta tahay 29-ka Shacbaan, midaasi oo waajib ka dhigeysay in la baaro bisha Ramadaan, oo goordhoweyd si rasmi ah loo xaqiijiyay.

Waxaan dhamaan saaxiibadda iyo akhyaarta ku xiran warbaahinta NorSom News ugu hambalyeyneynaa dhalashada bisha Ramadaan, waxaana dhamaan dadka ku xiran warbaahinta ugu duceyneynaa in ilaahay bisha Ramadaan uu ugu dhameeyo cibaado iyo camal suuban.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x