Wilfred Tebah kama cabanayo in Maraykanku uu si degdeg u qaadayo dadka Ukraine ee ka baxsanaya duullaanka Ruushku ku hayo dalkooda, laakiin 27-jirkan, oo ka soo qaxay Cameroon, wuxuu la yaaban yahay waxa dhici lahaa haddii malaayiinta kasoo qaxaysa bariga Yurub ay noq lahaayeen midab kale.
Iyada oo Maraykanku isu diyaarinayo inuu soo dhaweeyo tobannaan kun oo uu dhashay Ukraine oo kasoo cararaya dagaalka, ayuu hadana sii wadaa inuu masaafuriyo tiro badan oo qaxooti Afrikaan ah iyo waddamada Kariibiyaanka ah oo dib loogu celinayo dalal aan xasilloonayn oo ay rabshado ka jiraan, kuwaas oo ay la kulmayaan kufsi, jirdil, xarig aan loo meel dayin iyo xadgudubyo kale.
«Ma daneeyaan nin madow,» ayuu yiri, Tebah oo deggan Columbus, Ohio, isaga oo ula jeeday siyaasiyiinta Mareykanka. «Farqiga u dhexeeya labada ummadood ayaa runtii ah mid cad. Way garanayaan waxa ka dhacay meelaha aan ka imaanay, waxayse go’aansadeen inay indhahooda iyo dhegahooda ka xirtaan.” ayuu sii raaciyay.
Walaaca Tebah ayaa la xiriira dib u celinta degdegta ah ee qaxootiga Haiti ee kasoo gudbaya xadka iyaga oo aan helin fursad ay magangelyo ku weydiistaan, iyada oo qaxootiga Afrikaanka iyo kuwa Bariga Dhexe dhabarka la xijiyay marka loo bar-bar dhigo sida reer Galbeedku ay si xamaasad leh u qaabileen dadka soo barakacay ee Ukraine.
Bishii Maarso, markii Madaxweyne Joe Biden uu ku dhawaaqay in Mareykanku uu soo dhaweynayo 100,000 oo qaxooti Urkaine ah, lana siinayo deggenaashaaha ku-meel gaarka ah ee loo yaqaan TPS 30,000 oo kale oo horeyba ugu sugnaa Mareykanka iyo sidoo kale joojinta masaafurinta qaxootiga Ukraine, ayaa laba xildhibaan oo ka tirsan xisbiga dimuqraadi ay ugu baaqeen maamulka Biden inuu tixgalin bini’aadantinimo oo taas la mid ah uu siiyo qaxootiga Haiti.
Ayanna Pressley oo gobolka Massachusetts laga soo doorto iyo Mondaire Jones oo Congress-ka ku metesha gobolka New York ayaa warqad u qoray maamulka madaxweyne Biden, iyaga oo xusay in inka badan 20,000 oo ah qaxooti u dhashay Haiti la tarxiilay xilli ay xasillooni darrida dalkaas ay sii socotay kadib dilkii madaxweynahooda iyo dhulgariirkii xoogganaa ee dhawaan ka dhacay.
Wasaaradda Amniga Mareykanka, oo kormeerta barnaanijka TPS iyo barnaamijyada kale ee bani’aadamnimada, ayaa diiday inay ka jawaabto cabashooyinka cunsuriyadda ee ku saabsan siyaasadda socdaalka Mareykanka. Waxay sidoo kale diiday inay sheegto inay sharciga TPS u ballan qaadeyso qaxootiga Cameroon ama muwaadiniinta kale ee Afrikaanka ah, iyada oo bayaan qoraal ah ku sheegtay oo kaliya inay «sii wadi doonto la socodka xaaladaha dalal kala duwan.»
Waaxda Amnigu waxay xustay, si kastaba ha ahaatee, inay dhawaan u soo saartay sharciga TPS qaxootiga Haiti, Somalia, Sudan iyo South Sudan iyo dhammaan wadamada Afrika ama Kariibiyaanka – iyo sidoo kale inka badan 75,000 oo Afghaanistan ah oo ku nool Maraykanka kadib markii Taaliban ay la wareegeen waddanka ku yaal bartamaha Asia.
Wadamada kale ee ku jira sharciga TPS waxaa ka mid ah Burma, Honduras, Nepal, Nicaragua, Syria, Venezuela iyo Yemen, iyo inta badan ku dhawaad 320,000 oo muhaajiriin ah oo oo heysta sharcigan, kasoo oo kasoo jeedaan El Salvador.
Xigasho/kilde: VOA-SOMALI