fredag, april 26, 2024

Qalad cusub: NAV oo lacag kala hartay 505 qof oo naafo-shaqo ah.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday NAV, hey´adda NAV ayaa ogaatay in sifo aan sharci aheyn ay lacag ay xaq u lahaayeen ugala hari jirtay ilaa 500 qof oo ah dadka naafonimo ama dhaawac uga fariistay shaqadda.

Dad badan oo kamid ah dadka dhibanayaasha ah ee qaladka a NAV ka sameysay ayaa waxaa ka maqan lacag gaareyso u dhaxeyso 100.000 ilaa 200.000 kr.

Hans Christian Holte oo ah agaasimaha hey´adda NAV ayaa wakaalada wararka wararka ee NTB u sheegay:

Waxaan raali galin siineynaa dhamaan dadka ay arrintan saameynta ku yeelatay. Waxaan hada ku gudo jirnaa inaan saxna arrintan, si aan u bilowno inaan lacagta bixino. Qof kasta oo arintan ay khuseyso wuxuu dhawaan NAV ka heli doonaa warqad.

Qaladkan cusub ayaa noqonayo kii labaad oo mudo kooban gudaheed saameeya heyá dda NAV. Sanadkii 2019 waxaa hey´addan kusoo baxay fadeexad la xiriirta inay qalad u turjumeen bixinta lacagta kaalmadda ah ee la siiyo dadka ku maqan wadan Norway ka baxsan. Qaabkaas qaldan oo ay NAV u turjumeen sharciga, ayaa sababay in dad badan ay xabsiga galaan, kadib markii lagu soo oogay danbi. Halkan kuwa kalena laga dalbaday inay celiyaan boqolaal kun oo lacag ah.

NAV ayaa sheegay inay saxayaan qaladkan, ayna dib lacagtoodii u siin doonaan 505-ta qof ee lacagta ay xaqa u lahaayeen laga reebtay.

Xigasho/kilde: Ny feil fra Nav: Over 500 personer har fått utbetalt for lite uføretrygd

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x