lørdag, april 27, 2024

NAV: Tirada dadka hargab dartiis shaqada uga maqan oo aad kor ugu kacday.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday warbixin kasoo baxday hey’ adda NAV, waxaa hoos u dhacday tirada dadkii shaqada uga maqnaan jiray xanuun la xiriira feyruska corona. Waxaase taas badalkeeda kor u kacay tirada dadka shaqada uga maqan xanuun la xiriira hargabka ama durayga.

Isbuucii lasoo dhaafay oo kali ah ilaa 1300 qof ayaa shaqada uga maqnaa sabab la xiriirta hargab. Tiradaas oo 800 qof ka badan tirada dadka isbuucii ka horeeyay hargab dartiis aan shaqadda u imaan.

Tirakoobka NAV ayaa lagu sheegay in shantii qof ee shaqada xanuun uga maqan-ba(1/5) uu mid kamid yahay hargab la jiifo.

Dadka ugu badan ee isbuucii tagay shaqada xanuun uga maqnaa, ayaa ka shaqeeyo shaqooyinka la xiriira caafimaadka, daryeelka iyo adeega bulshadda.

NAV:Kraftig økning av influensa-sykemeldinger.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x