lørdag, april 27, 2024

NAV ayaa qalad xabsi ugu dirtay: 75.000 kr oo magdhow ah ayaa la siiyay.

Marianne Evensen waa mid kamid ah dadka loogu yeero dhibanayaasha kiiskii weynaa ee fadeexadda NAV. waxaana iyada oo aan wax qalad ah sameyn lagu xukumay 75 maalmood oo xabsi ah, kadib markii ay hey’ adda NAV dacwad ka gudbiyay haweeneydan.

Haweeneydan ayaa iyada oo kaalmo dhaqaale ka hesha NAV u safartay dalka dibadiisa, iyada oo wali qaadaneysa kaalmadda dhaqaale, aana ku wargalin hey’ adda NAV. Waxaa laga gudbiyay dacwad ah inay khiyaantay hey’ adda NAV, ayna qaadatay laca aysan xaq u laheyn, taas oo keentay in maxkamad la geeyo, kadibna lagu xukumo 75 maalmood oo xabsi.

Markii danbe waxaa soo baxday in NAV ay si qaldan u turjuntay sharciga khuseeya arrintan, waxaana la ogaaday in Marianne iyo boqolaal kale oo dhibanayaal ah lagu xukumay xabsi si qalad ah. Waxaana jiray dad badan oo sidoo kale laga codsaday inay dib usoo celiyaan lacagihii ay qaateen.

75.000 kr oo magdhow.

Kadib markii ay cadaatay in Mariane loo xukumay si qaldan, waxa ay codsaday magdhow, maadaama si qalad ah ay xabsiga ugu jirtay 75 maalmood.

Dowlada oo ka jawaabeyso dalbashada magdhowga- ayaa u garatay 75.000 kr oo la sheegay inay magdhow u tahay 75-dii maalmood ee xabsiga ay ku jirtay.

Balse haweeneydan ayaa aaminsan in lacagtaas aysan xitaa u qalmin waxyar oo kamid ah dhibaatadii ay martay. Waxeyna sheegtay in dowladu aysan wali fahansaneyn culeyska dhaqaale, mida sumcadeed ama caafimaad ahaan ay arrintan ay ku reebtay dadka danbiga aysan galin lagu xukumay.

Xigasho/kilde: Nav-offer fikk 70.000 kroner i oppreisning for 61 døgn i fengsel.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x