tirsdag, mai 21, 2024

Kristiansand: Nin Suuriyaan ah oo loo qabtay dilka xaaskiisii iyo gabadhiisii.

Sida ay xaqiijiyeen booliska magaalada Kristiansand ee dalkan Norway, nin asal ahaan u dhashay dalka Suuriya oo 50-meeyo jir ah ayaa loo qabtay dilka xaaskiisii iyo gabadhiisa oo isniintii isbuucan lagu dilay magaaladda Kristiansand.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu si dhib la´aan isugu soo dhiibay booliska, kadib marka uu falkan geystay. Waxaana isaga laftirkiisa oo ay ka muuqdeen calaamado qof isku buuqsan lagu daaweynayaa isbitaalka Kristiansand oo isniintii la dhigay.

Maxkamadda gobolka Agder ee dalkan Norway ayaa shaley xukuntay in ninkan xabsiga la dhigo afar isbuuc oo kumeel gaar ah, inta ay boolisku soo baarayaan kiiskan.

Booliska ayaa ilaa hadda sheegay ineysan wax wareysi ah ka qaadan ninkan, ayna ka warsugayaan warbixinta qiimenta caafimaadka ee ninkan, ayna rabaan inay ogaadaan in maskax ahaan uu fiyowyahay iyo inkale.

Ninkan ayaa sida ay boolisku sheegeen wali ku sugan isbitaalka oo lagu daaweynayo, waxaana xabsiga loo wareejin doonaa mark ay xaaladiisu soo roonaato ama la xaqiijiyo, sida ay boolisku sheegeen.

Xigasho/kilde: Mor og datter ble drept i Kristiansand.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x