fredag, april 26, 2024

Haweeneyda xagjirka midigta fog oo markan ku guuleysan karta doorashada Faransiiska.

Hoggaamiyaha garabka siyaasadda dhexe ee Faransiiska Emmanuel Macron ayaa doorashada madaxweynaha ee wareegga kala reebtada ah ee 24-ka April, 2022 ku wajihi doona hoggaamiyaha midigta fog Marine Le Pen.

Macron iyo Le Pen ayaa noqday labada musharax ee ugu codadka badan wareeggii koowaad ee doorashadii Axaddii, oo macnaheedu yahay inay dib ugu celin doonaan kala reebtadii 2017 ee Macron uu ku guuleystay.

Cod bixiyayaasha garabka bidix ayaa muhiim u noqon doona go’aaminta natiijada doorashada.

Hoggaamiyaha garabka bidix Jean-Luc Melenchon oo kaalinta saddexaad galay ayaa taageerayaashiisa u sheegay in xitaa hal ka mid ah codadkooda aanu aadin dhanka midigta fog, balse wuxuu ka gaabsaday inuu taageerp Macron.

“Yeynaan khalad sameyn. Weli waxba go’aan lagama gaarin,” ayuu Macron u sheegay taageerayaashiisa goor dambe oo Axaddii ah, kadib markii natiijo horudhac ah ay muujisay inuu u gudbay wareegga kala baxa ah.

Tirinta wasaaradda arrimaha gudaha ayaa muujisay in ayada oo la tiriyey 97% codadka, uu Macron ku guuleystay 27.60%. Le Pen ayaa xaqiijisay 23.41% halka Melenchon uu helay 21.95%.

Codadka ra’yiga ayaa saadaalinaya doorasho wareeg labaad oo aad la isugu dhow yahay, ayada oo mid ka mid ah ra’yi ururinta ay muujineyso in Macron uu heli doono 51% codadka halka Le Pen ay heli doonto 49%.

Farqiga ayaa ah mid aad u yar, taasi oo ka dhigan in khaladaadka ra’yi ururinta ay keeni karaan in natiijadu noqoto mid aadi kart adhan kasta.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Marine Le Pen oo hogaamisa xisbiga xagjirka midigta, ay markii ugu horeysay fursad dhab ah u heli karo inay ku guuleysato doorashada. Ayna hogaamiso dalka Faransiska. Arrintaas oo saameyn weyn ku yeelan karto dalalka kalee Yurub.

Xigasho/kilde: Rueters + VOA SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x