fredag, april 26, 2024

Golaha Islaamka Norway: Ciidul-fidrigu waa maalintan.

Golaha Islaamka dalkan Norway ee magaciisa loo soo gaabiyo IRN ayaa sheegay in ciidul-fidriga ah sanadkan, ay ku beegantahay maalinta Isniinta ee 2-da bisha Mai. Taas oo ka dhigan in maalinta beri ah ay tahay maalintii ugu danbeysay ee bisha Ramadaan.

Dhanka kale dowlada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inaan bisha Shawaal lagu guuleysan in caawa laga arko dalkaas kadib markii la raadiyey. Qoraal kasoo baxay boqortooyada ayaa lagu sheegay in berri oo Axad ah la dhameystiri doono 30-ka bisha Ramadaan, islamarkaana ciidda ay noqon doontoIsniinta oo ku beegan labada bisha May.

Sidoo kale, dalka Imaaraadka Carabta ayaa isna sheegay inaan lagu guuleysan in caawa bisha la arko sidaas darteedna Ramadaanka la dhameystiri doono Axadda, islamarkaana ciidda ay tahay Isniinta.

Illaa iyo hadda sidoo kale bisha Ramadaan lagama soo werin in laga arkay meel ka mid ah Soomaaliya, sidaas darteedna ay u badan tahay in berri soonka la dhameystirayo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x